Kismaayo (Caasimada Online) – Dawlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa si weyn uga hortimid go’aannadii kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee xalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho, kaas oo uu ka maqnaa madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in aysan quseyn qodobada kasoo baxay shirkaas oo qaarkood si toos ah u saameynaya maamulkaasi.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Mudane Cabdifitaax Mukhtaar oo qoraal soo saaray ayaa wax aan socon karin ku tilmaamay qodobada laga soo saaray shirkaas oo uu tilmaamay inay yeesheen oo kaliya madaxda hal xisbi, sida uu hadalka u dhigay.
“Waan socon weyney ee aan orodno weeye waxa ka soo baxay madaxda Hal Xisbi shirkooda, mana quayso Dowladda Jubbaland.” ayuu yiri Wasiir Cabdifitaax Mukhtaar.
Jawaabta deg-degga ah ee Jubbaland ayaa daba socoto go’aan culus oo ay maamulkan kasoo saareen xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran, waxayna soo jeediyeen in si sharci ah loo wajahyo xaaladda maamulkaas oo meel xun gaartay, si loo soo afjaro.
Xaaladda Jubbaland waxaa loo xil-saaray inay ka soo tala-bixso Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la faray inay keento xal rasmi ah, si loo helo Dawlad-goboleed sharci ah.
“Golaha Wadatashiga Qaranka, wuxuu isku raacay in wasaaradda arrimaha gudaha federaalka ay talo iyo soo jeedin ka keento xaaladda dowlad goboleedka Jubbaland, si waafaqsan dastuurka dalka, si loo helo nidaam dowlad goboleed oo sharci ah,” ayaa lagu yiri qodobkaas.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiddan doorashadii ka dhacday Kismaayo ee mar kale dib loogu doortay Axmed Madoobe, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo ka dhex-qarxay labada dhinac, isla-markaana dhaliyay saameyn xooggan gudaha dalka ah.
Si kastaba, arrinta ayaa u muuqata in weli dawladda dhexe aanay ka tanaasulin mowqifkeeda ku aadan Jubbaland, iyada oo dooneyso in meesha laga saaro Axmed Madoobe, waxaase la ogeyn qaabka ay u wajihi doonto, maadaama dagaalkii hore lagu fashilmay.