25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Firdhiye oo warbixin xasaasi ah u gudbiyay Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay hoggaamiyaha Maamul-goboleedka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho.

Ugu horreyn Firdhiye ayaa madaxweyne Xasan Sheekh u gudbiyay warbixin xasaasi ah oo ku aadan xaaladda horumarineed, nabadeed iyo dawlad-dhis maamulka Khaatumo.

Sidoo kale, Firdhiye ayaa madaxweynaha uga mahadceliyey casuumaddii shirka Golaha Wadashiga Qaran, isgarab-taagga dhismaha SSC-Khaatumo oo hadda loo aqoonsaday Maamul-goboleed kamid ah kuwa ka jira dalka.

Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday arrimo ku aadan wadashaqeynta labada dhinac iyo sidii ay hay’adaha Dowladda Federaalka u gaari lahayn deegaannada SSC-Khaatumo.

Cabdulqaadir Firddiye ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah uga qayb-galay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee kusoo dhammaaday magaalada Muqdisho, isaga oo metalayay shacabka SSC-Khaatumo, kaas oo laga saaro go’aanno ku aadan xaaladda dalka.

Arrintan ayaa ku timid kadib aqoonsigii Dowladda Federaalka siisay maamulkan, kadib booqaso taariikhi ah oo uu Ra’iisul wasaare Xamza ku tegay magaalada Laascaanood.

Hoggaaamiye Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maalmahan kulamo kala duwan ka waday gudaha caasimada, kuwaas oo uu la yeelanayay madaxda sare ee dowladda dhexe.

Si kastaba ha ahaate, SSC ayaa waxaa hadda u furmay dhabo cusub, iyada oo shirkii Golaha Wadatashiga lagu go’aamiyay in la dhammeystiro hanaanka dowladnimo ee SSC-Khaatumo, iyada oo loo xil-saaray wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya.

“Goluhu wuxuu isla aqoonsaday in SSC-Khaatumo tahay xubin ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu soo dhameystirayo shirweynaha lagu balansan yahay, waxaana la raacayaa dastuurka dalka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha heer federaal iyo SSC ayaa iska kaasha doona qabashada shirweynaha iyo dhismaha maamulka,” ayaa lagu yiri bayaankii kasoo baxay Golaha Wadatashiga

- Advertisement -

Read more

Local News