28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xasan Sheekh oo saxiixay afar sharci oo dhaqaale

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u saxiixay afar sharci oo muhiim ah, kuwaas oo quseeya dhaqaalaha dalka.

Shuruucdan cusub ee uu madaxweynaha saxiixay ayaa kala ah: Sharciga Caymiska (Takaful), Sharciga Canshuurta Dakhliga, Sharciga Hay’adaha Maaliyadeed, iyo Sharciga Ka Hortagga Lacag Dhaqidda Sharci darrada ah iyo Maalgelinta Argagixisada. Mid walba waxa uu xambaarsan yahay ujeeddo cad oo ku aaddan dib-u-dhiska dhaqaalaha.

Xeerarkan ayaa lagu tilmaamay kuwo sare u qaadaya hufnaanta maamulka maaliyadeed, iyagoo abuuraya jawi kalsooni leh oo dhiirrigelinaya maalgashadayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Sidoo kale, waxay gacan ka geysan doonaan kobaca dhaqaalaha iyo kor u qaadista fursadaha ganacsi ee dalka.

Sharciyadan ayaa waxaa hore u ansixiyay labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, taas oo muujinaysa wada-shaqeyn buuxda oo u dhaxeysa hay’adaha dowladda ee xeer dejinta iyo fulinta.

Dib-u-habayntan sharciyeed waxa ay xoojinaysaa awoodda iyo doorka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta nidaamka maaliyadeed iyo la dagaallanka dhaqaalaha sharci darrada ah. Tani waxay muhiim u tahay xasilloonida dhaqaale ee dalka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dadaallada ay ugu jirto horumarinta sharciga dalka, iyadoo mudnaanta la siinayo sharciyo kor u qaada maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa la rumeysan yahay inay noqon doonto mid fure u ah marxalad cusub oo horumarineed, iyadoo Soomaaliya ay wajahday caqabado dhaqaale oo baaxad leh sanadihii la soo dhaafay. Dowladda ayaa u aragta in isbeddelkan sharciyeed uu yahay mid sal adag u noqonaya kobaca dhaqaale iyo maalgelin hufan.

- Advertisement -

Read more

Local News