25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Xiisadda Imaaraadka Carabta iyo Turkey – Saraakiil la dilay, aargoosi iyo Boosaaso

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Duqeymo dhowaan ka dhacay gudaha Suudaan oo ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn ayaa si cad u muujiyay loollan sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Turkiga, kuwaasoo taageeraya dhinacyada iska soo horjeeda ee dagaalka billowday April 2023.

Mas’uuliyiinta dowladda Suudaan ee ay garab taagan yihiin ciidamada milateriga ayaa bilooyinkii la soo dhaafay la socday dhaq-dhaqaaqa diyaaradaha xamuulka milatari ee ay adeegsadaan ciidamada RSF oo ku degaya una duulaya garoonka diyaaradaha Nayla ee koonfurta gobolka Darfuur.

Ciidanka Difaaca Suudaan (SAF) ayaa dhowr jeer beegsaday garoonka Nayla, iyagoo tuhunsanaa in Imaaraadku uu si dadban uga faa’iideysanayo shabakaddiisa saldhigyada cirka ee gobolka – kuwaas oo ay ka mid yihiin saldhig ku yaalla Uganda iyo mid kale oo ku yaalla Puntland, Soomaaliya – si uu ugu gudbiyo kooxda RSF hub casri ah, diyaarado aan duuliye lahayn oo hubeysan, iyo rasaas.

Tuhumkaasi waxaa xaqiijiyay hay’ado dibadda ah oo kormeeraya xaaladda, oo ay ka mid tahay Xarunta Cilmi-baarista Bini’aadannimo ee Jaamacadda Yale, taasoo sheegtay in diyaarado Shiinees ah oo la mid ah nooca FH-95, kuwaas oo Imaaraadku iibsaday, lagu dajiyay garoonka Nayla.

Toddobaadkii hore, Amnesty International ayaa caddeysay in Imaaraadku uu hub Shiinees ah, oo ay ka mid yihiin bambaanooyin hagayaal ah nooca GB50A iyo madaafiic AH-4 oo 155mm ah, u diray gobolka Darfuur – taasoo ka dhigan jabinta cunaqabatayn hub oo Qaramada Midoobay ku soo rogtay Suudaan.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadku wuxuu si adag u beeniyay eedeymaha, iyadoo afhayeen u hadlay dowladda uu sheegay: “Imaaraadku wuxuu mar kale adkeynayaa mowqifkiisa cad iyo joogtada ah: ma bixiyo wax taageero milateri ama hub ah midkoodna dhinacyada isku haya Suudaan.”

Horraantii sannadkan, ciidanka SAF ayaa guulo istaraatiiji ah ka gaaray dagaalka, waxay dib ula wareegeen caasimadda Khartuum, jebiyeen go’doomintii magaalada istaraatiijiga ah ee El-Obeid, kana qabsadeen dhulal badan oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta dalka – taasoo u suuragashay iyagoo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliye lahayn ee TB2 Bayraktar, kuwaasoo ay Turkigu siiyeen Suudaan sanadkii hore.

3-dii Maajo, diyaaradahaasi oo ay gacanta ku hayaan askar Turki ah oo la safan ciidanka Suudaan kuna sugan magaalada Bort Suudaan, ayaa duqeeyay diyaarad xamuul milatari ah oo ku sugnayd garoonka Nayla. Diyaaraddaasi ayaa lagu tuhunsanaa inay waday diyaarado is-qarxin ah, rasaas, iyo qalab radar milateri ah.

Iyadoo saraakiisha Suudaan ay u dabaaldegayeen guushaas, ma aysan ogeyn in weerarkaasi uu bilaabay loollan diblomaasiyadeed oo halis ah oo u dhexeeya Turkiga iyo Imaaraadka – mid aan la arag tan iyo sanadkii 2021.

Ilo maxalli ah oo si dhow ula socda dhacdada ayaa u sheegay Middle East Eye in weerarkii Nayla uu sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ka soo gaaray ciidamada RSF iyo dad ajnabi ah oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen muwaadiniin Imaaraad ah, kuwaasoo la geeyay isbitaalka Turkiga ee Nayla.

Warbixin maxalli ah ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 dagaalyahan oo ka tirsan RSF oo u socday daawayn dibadeed la dilay, iyo 18 qof oo ajnabi ah oo ay ku jireen askar reer Yurub, Afrika iyo Carab ah. Sidoo kale, warbaahinta gudaha Kenya iyo Koonfurta Suudaan ayaa xaqiijiyay dhimashada duuliyayaal ka kala socday labadaasi dal.

Ilo amni oo ka tirsan gobolka ayaa u sheegay Middle East Eye in calooshood u shaqeystayaal dagaalka u jooga RSF laga duuliyo ama laga soo dejiyo dekedda Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya.

Weerarkii Port Suudaan

Maalin un kadib weerarkii Nayla, waxaa bilowday duqeymo taxane ah oo si toos ah loogu qaaday magaalada Port Suudaan.

Muddo saddex maalmood ah, weerarro si xeeladaysan loo beegsaday ayaa lagu qaaday Port Suudaan – halkaasoo noqotay xarunta dowladda tan iyo markii dagaalku qabsaday Khartuum 2023. Duqeymuhu waxay socdeen muddo 10 maalmood ah ka hor inta aysan si tartiib tartiib ah u yaraanin.

Garoonka diyaaradaha ee kaliya ee caalamiga ah ee dalka, saldhig milatari, xarunta koonfureed ee dekedda – oo ah marin muhiim u ah gargaarka bini’aadantinimo – iyo hotel ay degganaayeen diblomaasiyiin Sucuudiyaan iyo Masar ah ayaa dhammaantood burbur soo gaaray.

Olol ka dhashay weerarka oo qabsaday kaydad shidaal ayaa socday maalmo, qiiq madow ayaana cirka ka qariyay magaalada. Koronto la’aan ayaa ka dhacday kadib markii xarun weyn oo koronto ah la beegsaday, iyadoo iskuullo, dubayaal iyo adeegyo kale ay xirmeen.

“Burburka ka gaaray kaabayaal muhiim ah sida garoomada aan milatariga ahayn iyo xarumaha korontada wuxuu caqabad ku noqday dadaallada mutadawiciinteennu ay ku doonayaan inay caawiyaan bulshadeenna, wuxuuna sii adkeeyay helitaanka cunto, biyo nadiif ah iyo daryeel caafimaad,” ayay tiri Aida Elsayed Abdallah, xoghayaha guud ee Ururka Bisha Cas ee Suudaan, oo la hadashay Middle East Eye.

Ilo diblomaasiyadeed oo Suudaani iyo Yurub ah ayaa sheegay in weerarrada ay si toos ah u qorsheysay oo u fulisay dowladda Imaaraadka, in kasta oo Abu Dhabi ay si xooggan u cambaareysay.

Labo ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Middle East Eye in weerarku uu dhaawacyo ka soo gaaray xubno ka tirsan koox farsamo oo Turkigu u diray Suudaan si ay u caawiyaan hawlgallada diyaaradaha aan duuliye lahayn ee SAF.

Axaddii, wax yar kadib weerarkii Port Suudaan, Turkiga ayaa diray diyaarad ambalaas ah si loo qaado dhaawacyadii.

RSF ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarka, Imaaraadkuna si degdeg ah ayuu u cambaareeyay. Dowladda Suudaan ayaa si rasmi ah xiriirka ugu jartay Imaaraadka weerarka kadib.

‘Dagaal goboleed’

Isniintii, shir ka dhacay baarlamaanka UK, safiirka Suudaan ee Britain, Babikir Elamin, ayaa ku eedeeyay RSF “iyo Imaaraadka oo ah taageerayaashooda dibadda” in ay “ku sii socdaan ajende sharci darro ah, iyagoo adeegsanaya rabshad xad dhaaf ah iyo argagixiso.”

“Dagaalkan markii hore wuxuu ahaa mid ay wakiillo ku dirirsan yihiin, balse hadda wuxuu isu beddelay dagaal goboleed, iyadoo faragelinta tooska ah ee Imaaraadka aan hadda la dabooli karin,” ayuu yiri Elamin.

Wuxuu xusay in Imaaraadku uu RSF siiyay “gaadiid gaashaaman oo Faransiis ah, madaafiic culus iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo laga keenay Serbia, Bulgaria iyo Shiinaha”, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay in ciidanka Suudaan ay helayaan taageero dibadda ah oo ay Turkigu ku jiraan.

Ilo Suudaani iyo reer Galbeed ah ayaa u sheegay Middle East Eye in falcelinta xooggan ee Imaaraadku ka bixiyay weerarkii Nayla – iyo shaki la xiriira doorka Turkiga ku lahaa – ay sababtay inuu si toos ah u amro weerarrada Port Suudaan.

“Waxay u muuqataa in Imaaraadku fuliayay dhammaan wajiyada weerarradii Port Suudaan,” ayuu yiri Jalel Harchaoui oo ka tirsan machadka RUSI. “Waxaan aaminsanahay in Imaaraadku hadda si shaqsi ah uga aarayo.”

Waxaa jira laba tuhun oo ku saabsan halka laga soo duuliyay diyaaradaha aan duuliye lahayn.

Saddex ilo Suudaani ah ayaa sheegay in diyaaradaha is-qarxa ay ku shaqeynayeen Imaaraadka, isla markaana laga soo riday Boosaaso. Goobjoogayaal ku sugan Port Suudaan ayaa sheegay inay diyaaradaha kasoo galeen dhinaca Badda Cas.

Hase yeeshee, ilo kale oo Suudaani ah iyo falanqeeye milateri reer Galbeed ah ayaa aaminsan in diyaaradaha laga soo riday deegaanka al-Malha ee RSF maamusho, oo ku dhow xuduudda Libya.

Diyaaradaha Sunflower-200 ee Shiineeska ah – kuwaasoo loo yaqaanno “suicide drones” ama “kamikaze” – ayaa leh duulimaad gaara 2,000km, taasoo Boosaaso ka dhigeysa meel ku jirta xadka sare ee duulimaadkooda (1,800km).

Xiisadda Turkiga iyo Imaaraadka

Weerarkii lagu qaaday Port Suudaan – oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee dalka – iyo burburka hangarro milatari oo laga yaabo inay ku jireen diyaarado aan duuliye lahayn oo Turkigu lahaa ayaa sii kordhiyay xiisadda u dhexeysa Turkiga iyo Imaaraadka.

Imaaraadku wuxuu horay uga caraysnaa doorka Turkiga ee dagaalka. Ilo ku sugan Ankara ayaa rumeysan in xogtii weynayd ee bishii Maarso la geliyay Washington Post – taasoo si faahfaahsan u muujisay heshiiskii Turkiga ku siiyay Suudaan diyaaradaha aan duuliye lahayn – ay ahayd weerar dhinaca xogta ah oo ay fuliyeen Imaaraadka.

Warbixintaasi waxay xambaarsaneyd fariimo dhex maray madaxda shirkadda Turkiga ee Suudaan iyo xafiiskooda gudaha Turkiga, oo ay ka mid ahaayeen xog qarsoodi ah oo ku saabsan qandaraaska.

Tani ma ahayn markii ugu horreysay ee labada dal ay iska hor yimaadaan.

Faragelintii uu Turkigu ku sameeyay Liibiya 2020 ayaa sidoo kale horseedday dagaal hoose u dhexeeya labada dal. Ankara waxay taageertay dowladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee galbeedka, halka Imaaraadkuna uu taageeray Janaraal Khalifa Haftar ee bariga.

Ciidamada Haftar ayaa qeyb ka ah sahayda uu Imaaraadku u maro taageerada RSF ee Suudaan. Dhanka kale, Turkiga ayaa weerar kasoo horjeeday Haftar ku joojiyay iyadoo uu adeegsanayo isla diyaaradaha TB2 Bayraktar ee hadda Suudaan adeegsato.

Fidan oo la kulmay Mohammed bin Zayed

5-tii Maajo, iyadoo duqeymo aan kala joogsi lahayn ay ka socdeen Port Suudaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa booqday Abu Dhabi, halkaasoo uu kula kulmay Mohammed bin Zayed, madaxa Imaaraadka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in kulankaasi uu ujeedkiisu ahaa sidii loo dejin lahaa xiisadda.

Sarkaal Turki ah ayaa u sheegay Middle East Eye in Ankara markii hore go’aansatay in ay dhexdhexaad ka ahaato dagaalka Suudaan, kaasoo kumannaan lagu dilay, isla markaana sababay waxa Qaramada Midoobay ku tilmaantay musiibada bini’aadantinimo ee ugu weyn dunida.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa xitaa sannadkii hore u soo jeediyay Taliye Burhan in uu dhex-dhexaadiyo Turkiga iyo Bin Zayed.

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalkaasi wuxuu sheegay in markii Imaaraadku bilaabay inuu hub siiyo RSF, Turkiguna uu go’aansaday inuu taageero siiyo ciidanka Suudaan.

Labada dhinac ee dagaalka Suudaan ayaa lagu eedeeyay tacaddiyo. Dowladda Mareykanka iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa RSF ku eedeeyay xasuuq ka dhacay Darfuur, gaar ahaan beesha Masalit.

“Imaaraadku wuxuu hadda bixiyaa hubka ugu badan,” ayuu yiri sarkaalka Turkiga.

“Imaaraadku si buuxda ayuu u diidayaa tuhun kasta oo sheegaya in uu hub siiyo dhinac dagaalka ka mid ah,” ayuu qoraal uu ku daabacay X ku yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka, Salem Aljaberi.

- Advertisement -

Read more

Local News