25.7 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Puntland oo weerar culus ku qaaday SSC-Khaatumo

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa weerar afka ah ku qaaday hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, oo ay sheegtay inuu ka shaqeynayo in gobolka Sanaag lagu daro maamulka SSC-Khaatumo, taas oo Puntland u aragto mid liddi ku ah jiritaankeeda iyo midnimadeeda dhuleed.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid laga soo abaabulay Muqdisho, laguna wado in lagu wiiqo midnimada Puntland.

Wasiirka ayaa si cad u sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in gobolka Sanaag laga gooyo Puntland, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid aan suurtagal noqon karin.

Sida uu sheegay Wasiir Caydiid, Madaxweyne Firdhiye waxa laga doonayaa inuu si cad uga laabto hadalladiisa iyo damaciisa siyaasadeed, isla markaana uu raalli-gelin siiyo shacabka reer Puntland. Wuxuu xusay in siyaasadda Puntland aysan aqbalayn in go’aan masiiri ah lagu gaaro si hal dhinac ah, balse ay muhiim tahay in wax walba ku yimaadaan wadatashi iyo is afgarad.

“Puntland waxay ka kooban tahay shan gobol iyo degmada Buuhoodle. Haddii cid ka go’aysa, waa inay ku timaadaa wadatashi iyo is afgarad. Hadduu SSC dhisayo, macnaheedu maaha inuu burburinayo Puntland,” ayuu yiri Wasiir Caydiid. Wuxuu intaa ku daray in hadalka Madaxweyne Firdhiye ee ku saabsan goosashada Sanaag uu yahay mid khatar ah oo aan la aqbali karin.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne Firdhiye inuu qeyb ka yahay qorshayaal ballaaran oo lagu wiiqayo maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, isagoo adeegsanaya xiriir uu la leeyahay Dowladda Federaalka, taasoo uu sheegay inay dano shaqsi ah ka dhex aragto.

Maamulka Puntland ayaa sida muuqata u arka dhismaha SSC mid lagu kala dhantaalayo midnimadeeda dhuleed, iyadoo khilaafka labada dhinac uu kasii daray kadib markii hoggaamiyaha SSC uu qeyb ka noqday shirka madasha ay Puntland qaadacday.

- Advertisement -

Read more

Local News