Baqdaad (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq halkaas oo uu uga qaybgali doono meertadaj 34-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta.
Shirka ayaa lagu gorfayn doonaa arrimo la xiriira dadaallada lagu doonayo in xal waara loogu helo xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee ka aloosan qaybo badan oo ka tirsan mandiqadda.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shirkaas ku soo bandhigi doona warbixin ku saabsan halganka ka dhanka ah Khawaarijta ee ay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan.
Khudbadda Madaxweynaha ee shir-madaxeedka dalalka Carabta ayaa si weyn loo sugayaa, waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay mowqif cad oo dalal badan dhibaya ka qaadatay qadiyadaha Falastiin, Suudaan iyo dalal kale oo dagaalo ay ka socdaan.
Shirkaan waxaa ka horeeyey shirar farsamo oo ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta, halkaas oo Wasiirka Arrimaha Dibadda uu saacadihii lasoo dhaafay ka waday kulamo xasaasi ah.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa isku arkay Baqdaad, kuwaas oo si weyn u gorfeeyey arrimo muhiim u ah labada dal oo dhowaan kaal saxiixday heshiiyo xasaasi ah oo ku qotoma iskaashi difaaca.
Masar ayaa ciidamo keensa doonta Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, waxayna ku soo biirtay howlgalka cusub ee AUSSOM, taasi oo khatar ku ah Itoobiya, heshiiskaas ayaa ku yimid geesinimo ay sameysay Soomaaliya.


