32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Kulankii baarlamanka ee maanta oo baaqday kadib arrin aad looga cabsaday

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii caadiga ahaa oo maanta oo Sabti ah ay lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqday, iyada oo xalay farriin wergelin ah loo diray dhammaan xildhibaannada.

Xoghayaha baarlamaanka, ayaa u sheegay xildhibaannada in kulankii maanta uu baaqday, isaga oo u sheegay in maalinta Isniinta ah uu qabsoomi doono kulanka xiga.

“Xildhibaannada sharafta leh; kulankii loo ballansanaa beri oo Sabti ah 17/05/2025 waa uu baaqday, Mahadsanidiin” ayaa lagu yiri fariinta xalay loo diray xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Fadhiyada baarlamaanka ayaa sida caadiga ah qabsooma maalmaha Sabtida, Isniinta iyo Arbacada, waxaana maanta la filayay in xildhibaannada ka doodaan ajendayaal muhiim ah.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in sababta ugu wayn ee keentay baaqashada kulanka baarlamaanka ay tahay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, isla markaana laga cabsi qabo in mooshinno ay keenaan xildhibaannada mucaaradka ee sida wayn u diidan qorshaha Villa Somalia.

Xaaladda guud ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana weli buuq uu ka taagan yahay baarlamaanka, iyada oo doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka weli la’isku hayo.

Fadhiyadii u dambeeyay ee Golaha Shacabka ayaa u baaqday kooram la’aan iyo buuq ay sameynayaan qaar kamid ah Xildhibaannada baarlamaanka, taas oo saameyn ku yeelatay habsami u socodka howlaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedeeraalka Soomaaliya.

Baaqashada kulamamadan ayaa kusoo aadaya, xilli xasaasi ah ayna taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay hannaanka loo wajahayo doorashada dalka oo ay isku hayaan Dowladda Federaalka, Jubbaland, Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Marka laga soo tego xiisaddan, waxaa Baarlamaanka Soomaaliya horyaalla shaqooyin adag oo ay ugu horreyso arrinta doorashada, maadaama laga sugayo shuruucdii lagu hagi lahaa.

Kalfadhigii kan ka horeeyay xildhibaannadu waxay ku gaareen go’aanno culus oo la xiriira doorashada iyo wax ka beddelka dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News