28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Hogaamiyeyaal Daacish ah oo ka baxsaday Puntland iyo halka ay tageen – Xog

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Bari ayaa sheegaya in weli ciidamada Puntland ay sii wadaan howlgalladooda, isla markaana ay isku fidinayaan dhulka buuraleyda ah ee ah gobolkaasi, taas oo sababtay inay firxadaan hoggaamiyeyaasha kooxda Daacish iyo maleeshiyaadkooda.

Firxadka kooxda ayaa laga war helay, kadib markii inta badan laga xoreeyay aagga buuraha Calmiskaad oo ay indhowaanahan howlgallo ka wadeen Ciidamada Daraawiishta Puntland.

Saraakiil amni ayaa xaqiijiyay in mileeshiyaadka Daacish, oo ay ku jiraan hoggaamiyaal sar sare ay haatan ka carareen aagga togga Miraale, iyagoo u baxsaday halka lagu magacaabo Sadow iyo Yucurun oo ka tirsan togga Baalade, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Horjoogayaasha halkaasi tegay waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Faahiye oo saameyn ku dhex leh kooxda Daacish, faraceeda Soomaaliya, waxayna galeen godad ku yaalla halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kooxdu ay xubno kooban oo ay ku jiraan ajaaniib ku reebtay aagga togga Miraale, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa ciidamada Puntland.

Baxsashada hogggaamiyeyaasha Daacish ayaa lasoo warinayaa inay bilow u tahay jabka kooxda kasoo gaaray howlgallo is daba jooga oo weli kasii socda buuraha gobolka Bari.

Howlgalka haatan socda ayaa sidoo kale ka duwan howlgalladii hore ee Calmiskaad, waxaana hada ku biiray ciidamada cirka Puntland oo diyaarado helay, kuwaas oo beegsanaya fariisimaha muhiimka ah ee kooxaha argagixisada.

Togga Miraale ayaa Daacish u ah saldhig muhiim ah oo ay muddo dheer ku sugnayd, waxaa haatan cagta mariyay ciidamada oo kusii siqaya buuraha hoostooda ee gobolka Bari.

Si kastaba ha ahaatee, Marka loo eego warbixinnada ka imaanaya goobaha dagaalka, wejiga saddexaad ee hawl-galka buuraha Calmiskaad ayaa lasoo sheegayaa inuu marayo gebagabo, isla markaana ciidamadu ay ku xoreeyeen dhul ballaaran oo buuraley ah.

- Advertisement -

Read more

Local News