Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa keenay qorshe culus oo garoonka Aaadan Cadde looga joojinayo duulimaadyada gudaha, si loo yareeyo culeyska haatan jira.
Mustafe Dhuxulow ayaa maanta shaaca ka qaaday in dib loo furayo garoonka diyaaradaha degmada Dayniile, halkaasna loo wareejin doono diyaaradaha u duula gobollada dalka.
Agaasimaha ayaa tilmaamay in garoonka wayn ee magaalada Muqdisho uu hadda ka jiro culeys xooggan, sidaas daraadeedna ay ku dadaalayaan sidii u shaqeyn lahaa garoonka ku yaalla degmada Dayniile, una adeegsan lahaayeen diyaaradaha aadaya gobollada dalka.
“Waxaan rajeynayaa maadaama garoonka Aadan Cadde oo ah garoon caalami ah uu busy noqday oo culeysku ku badan yahay in garoonka Dayniile mardhow ay madaxda qaranka garato inuu noqon karo garoon culeyska kasoo qaada garoonka Aadan Cadde” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Diyaaradaha gudaha ayaa loo soo wareejinayaa Garoonka diyaaradaha degmada Deyniile, si culeyska hadda jira u yaraado”.
Hadalkan ayaa agaasimaha hay’adda socdaalka waxa uu maanta ka sheegay munaasabad ka dhacday Dayniile oo xarigga looga jaray xarun cusub ee hay’adda ka furatay degmadaas.
Waxaa kale oo uu agaasimuhu sheegay in Dayniile iyo degmooyinka kale ee ku yaalla cirifyada ay u baahan yihiin in loo daadajiyo adeegyada muhiimka ah ee dowladda.
“Dayniile waxay kamid tahay degmooyinka daafaha ku yaallo taas oo micnaheedu tahay degmooyinka loo baahan yahay in adeegga loo daadajiyo maadaama 10 km ama ka badan ay u jirto magaalada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Si kastaba, Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe garoon diyaaradeed cusub looga dhisayo Muqdisho, oo laga heli karo adeegyada ay u baahan yihiin dhammaan nuucyada diyaaradaha ee u kala goosha gudaha iyo dibadda.
“Istaraatijiyo ayaa u degsan dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza, markii xukuumadda la doortay madaxweynaha wuxuu amar ku siiyay in aan la imaano qorshe lagu dhisayo garoon cusub oo ay yeelaneyso caasimadda,” ayuu horay u yiri Mareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan.

