25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Tallaabadii ugu horreysay oo loo qaaday gogoshii uu dhigay Xasan Sheekh + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta tallaabadii ugu horreysay u qaaday gogoshii uu dhowaan dhigay madaxweynaha Soomaaliya, si la’isugu yimaado wada-tashi ballaaran oo laga yeesho xaaladda dalka.

Guddi gaar ah oo k kooban xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda federaalka ayaa maanta guda galay howsha taallo, si ay qabsoonto gogasha madaxweynaha oo diiradda lagu saari doono xaaladda cakiran ee dalka iyo dagaalka Al-Shabaab.

Xubnaha guddiga ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay wakiilo ka socday Ururada Bulshada Rayadka ah oo ay kala hadleen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen gogosha qaran ee taalla.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa ay dhinacyadu yeesheen aragti wadaag ballaaran, kaas oo ku qotoma sidii looga miro dhalin lahaa gogosha qaran.

Ajndaha ugu muhiisam ee gogosha ayaa waxa uu yahay in la abuuro jawi midnimo oo ku jiheysan la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab, sida ay horay u shaacisay Villa Soomaaliya.

“Tani waxay muhiim u tahay xaqiijinta hadafka qaran ee ku dhisan in cod iyo cududba loo mideeyo ciribtirka cadawga Khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed horay uga soo baxay madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlay gogosha uu dhigay madaxweynaha.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ciidii jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa si lama filaan u qaatay go’aan uu gogol u fidiyay siyaasiyiinta, hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo bulshada rayidka ah, si ay talooyinkooda ugu darsadaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku ammaanay fahamka wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan in “aan Khawaarijta isku heysan, balse aan isku heysanno sidii loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeena ka hanaqaada.”

Waxa kale oo uu yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si ay aragtidooda ugu biiriyaan dagaalka lagaga hortagayo Khawaarijta,” isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee nafahooda u huraya sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag oo siyaasadeed, iyada oo la’isku hayo arrimaha doorashooyinka, waxaana sii dheer dagaalka Shabaab oo sii laba kacleeyay.

- Advertisement -

Read more

Local News