Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xarigga ka jiray dhismaha cusub ee wasaaradda Aw-qaafta iyo arrimaha Islaamka, ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira wasiir Roobow iyo shaqada uu qabtay.
Dhismaha xaruntan oo lagu dhisay iskaashi dadweyne ayaa waxaa hirgelinteeda door libaax leh ka qaatay Wasiir Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo munaasabadda ka sheegay in lacagihii ay ka qabteen adeegga xajka ay ku dhiseen dhismaha wasaaradda.
“Markaan imaanay dadbaa nagu qeyliyay markii aan soo saarnay kontan milyan oo lacag ah arrimaha Xajka, Ra’iisulwaaaaraha ayaan u sheegay oo aan ku yiri kontan milyan waayey wax nagu buuqaya maanta waa tan aan dhisnay guriga ugu quruxda badan Madaxweyne” ayuu yiri wasiirku.
Intaasi kadib madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalka qaaday ayaa kashifay arrin culus oo la xiriirta Roobow, wuxuuna ka ka sheekeeyay sida uu uga jawaabay markii looga dacwooday Roobow oo horay loogu eedeeyay musuq-maasuq iyo wax is daba marin.
“Roobow lacag malaayiin ah buu dhacay, hebal buu keensaday wasaaradda ayaa la igu yiri anna waxaan iri wixii uu dhacay isagaa ka mas’uul ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Dhanka kale, wuxuu ka hadlay sida ay ku timid in Roobow loo magacaabo wasiir ka tirsan dowladda federaalka, isaga oo mar kamid ahaa hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda Al-Shabaab, wuxuuna madaxweynaha qiray in Roobow kaliya aanu kasoo bixin Shabaab ee dad kale oo badan ay ka yimadeen, kuwaas oo hadda ku jira dowladda.
“Dadbadan oo la qumanaa fikirka Al-Shabaab ayaa ka soo noqday, Saraakiisha ciidamada ayay ku jiraan, Wasiirkayna (Mukhaataar Roobow) mas’uul ayuu noo yahay.” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay ‘Qofkii kasoo noqdaa Al-Shabaab xabadka ayaa saaranaynaa waana soo dhaweynaynaa, qaraxii wuxuu noqday meeshaas ayaa dad badan joogaan ee igeey“ ayuu markae yiri.