23.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

Sawirro: Muxuu yahay shirka maanta ka furmay Muqdisho?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta daah-furay shir heerkiisu sarreeyo.

Shirkan oo ka furmay Muqdisho ayaa lagu falanqeyn doona saameynta dhaqaale ee xulashooyinka qaab-dhismeedka dastuurka Jamhuuriyadda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dib u eegista dastuurku ay mareyso heer wanaagsan, isla markaana afar cutub baarlamaanku horey u ansixiyey.

Sidoo kale waxa uu sheegay in shan kalena hadda ay hortaalo oo la tashiyadoodu soo dhammaadeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in xukuumadda ay ka go’an tahay in ay dhammeystirto cutubyada harsan.

“Xukuumadda DanQaran waxaa ka go’an inay dhammeystirto dib u eegista dastuurka, waa mas’uuliyad ay dowladdu si sharci ah u leedahay waana ballan qaadeynaa inaan dhammeystirno cutubyada harsan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Shirka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda arrimaha Dastuurka ayaa muhiim u ah qorshaha Xukuumadda ee dib u eegista dastuurka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Jabriil Cabdirashiid ayaa bogaadiyey Wasaaradda iyo qubarada juhdiga galisay dib u eegista dastuurka. Iyada oo xusid mudan tahay in muran xooggan uu ka taagan yahay hanaanka loo wajahay dib u eegista dastuurka, oo gadaal ka riixeyso Villa Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News