Washington (Caasimada Online) – Markab dagaal ee USS Harry S. Truman iyo kooxdiisa weerarka ayaa qaaday wax lagu tilmaamay “weerarkii cirka ee ugu weynaa taariikhda ee laga qaado dusha markab xambaarsan diyaarado dagaal,” sida uu sheegay Taliyaha ku-meel-gaarka ah ee Ciidanka Badda Mareykanka, Admiral James Kilby.
Kilby wuxuu sheegay in ku dhowaad 125,000 rodol oo hub ah laga tuuray markabka iyo kooxdiisa weerarka, iyadoo lagu beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in hawlgalkan uu yahay kii ugu baaxadda weynaa ee abid laga fuliyo badda.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo mas’uul ka ah hawlgallada milatari ee gobolka, ayaa duqeymo cirka ah ka wado Soomaaliya si xawaare sare leh, iyadoo lagu bartilmaameedsanayo kororka dagaalyahannada kooxda Daacish (ISIS), sida ay muujinayaan warbixinnada ciidanka.
Tan iyo bilowgii Janaayo, AFRICOM waxay fulisay 25 duqeyn gudaha Soomaaliya, kuwaas oo badankood lagu beegsaday xubno ka tirsan ISIS. Haddii xawaaraha duqeymuhu sidan ku sii socdo, AFRICOM waxay dhaafi doontaa 63 duqeyn oo ay dalka ka gaysatay 2019—tirasii ugu badnayd abid ee AFRICOM ka fuliso Soomaaliya.
Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ka korodhay 500 dagaalyahan oo ay gaartay ilaa 1,500, 60% ka mid ahna ay yihiin ajaanib, sida uu bishan u sheegay wargeyska Stars and Stripes afhayeen u hadlay AFRICOM.
“Daacish-Somalia waxay muujisay awood iyo rabitaan ay ku beegsanayso ciidamada Mareykanka. AFRICOM oo kaashanaya dowladda federaalka iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, waxay sii wadi doontaa howlgallada lagu wiiqayo awoodda kooxdaas si aysan u qorsheyn ama u fulin weerarro khatar ku ah Mareykanka, ciidamadiisa, ama muwaadiniintiisa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM 3-dii May.
Admiral Kilby wuxuu sidoo kale sheegay in USS Harry S. Truman iyo kooxdiisa weerarka ay door muhiim ah ka ciyaareen difaaca maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas, iyagoo ka hortagayay weerarro ay Xuutiyiinta taageerada ka hela Iiraan ku hayeen maraakiibtaasi.
Wuxuu xusay in markabku uu fuliyay 670 weerar, isla markaana uu burburiyay ilaa 160 diyaaradood oo nooca drone-ka ah iyo gantaallo ay Xuutiyiintu soo rideen muddadii uu halkaas ku sugnaa.
“Xuutiyiintu ma aha Shiinaha, balse waa khatar dhab ah. Waxay si cad u beegsanayaan maraakiibteenna. Fahamka khatartaas iyo diyaar garowga la xiriira ayaa ah waxa hadda aan xoogga saareyno,” ayuu yiri Kilby.
USS Truman wuxuu ka baxay saldhiggiisa Norfolk, Virginia, 23-kii September, isagoo u socday howlgallo caadi ah oo uu ka fulinayo Aagga Ciidanka 6-aad ee Mareykanka. Wuxuu gudaha u galay Bariga Dhexe 14-kii December, isagoo beddelay markabkii USS Abraham Lincoln.
Inkasta oo la filayay in kooxdan weerarka ee USS Truman ay dib ugu soo laabtaan Mareykanka xilligii gu’ga, haddana howlgalka ayaa la kordhiyay bishii May si ay u qeyb ka noqdaan olole xooggan oo Mareykanku ku wiiqayo awoodda Xuutiyiinta. Tan iyo 15-kii March, Mareykanka ayaa sheegay inuu ku dhuftay in ka badan 1,000 bartilmaameed oo Xuutiyiinta la xiriira, kuwaasoo ay ku jiraan horjoogayaal iyo dagaalyahanno, sida uu shaaciyay Pentagon.
6-dii May, Madaxweyne Donald Trump wuxuu ku dhawaaqay xabbad-joojin, isagoo sheegay in Xuutiyiintu ay ka tanaasuleen dagaalka ayna oggolaadeen in aysan weerarin maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas.
Isniintii, USS Truman iyo maraakiibta USS Jason Dunham iyo USS Gettysburg ayaa ka baxay Badda Cas, waxayna haatan ku sugan yihiin Badda Dhexe si ay uga qeyb qaataan tababar milatari oo ay NATO wado.
Ciidanka Badda Mareykanka weli kama aysan hadlin goorta la filayo in markabkan iyo kooxdiisa ay dib ugu soo laabtaan Mareykanka.