Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa qayb cusub kusoo kordhiyay taliska qaybta guud ee gobolka Banaadir, taas oo loogu magac daray Galbeed Sare, waxaana hoostagi doono saldhigyada saddex degmo oo ka tirsan gobolka.
Taliskan cusub ayaa maanta si rasmi ah loo daah-furay, waxaana hoostagi doono degmooyinka Garasbaaley, Dayniile iyo Daarusalaam oo horay uga kala tirsanaa talisyada qaybaha Galbeed iyo Bari, laakin hadda kadib waxay isku noqon doonaan Galbeed Sare.
Sidoo kale, qaybtan cusub ee lasoo kordhiyay aya waxaa lagu magacaabaa Gaashaanle Dhexe Daa’uud Axmed Caraale oo maanta xilkaas si rasmi ah ula waeegay, kadib munaasabad ka dhacday degmada Garasbaaley oo uu ku shaqeyn doono.
Taliye ku xigeenka qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdulaadir Nuur (Mooshin) oo goobta ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimadda qaybtan cusub, wuxuuna tilmaamay u jeedadu tahay in hoos loo daadajiyo howlaha ammaanka caasimada.
“Saddexda degmo ee kala ah Garasbaaley, Dayniile iyo Daarusalaam waxay noqon doonaan qaybta Galbeed Sare, waxaana u gartay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri taliye ku xigeenka qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir.
Mooshin ayaa sidoo kale ka dalbaday maamullada degmooyinka iyo shacabka inay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee qaybtaasi, si wax looga qabto ammaanka guud.
“Maamullada degmooyinka iyo hay’adaha dowliga ah waxaan ku wargelineynaa in ay si dhow ula shaqeeyaan, ayna ka qayb qaataan fududeynta howlaha maalinlaha ee uu qaban doonto taliyaha qaybta” ayuu mar kale yiri Maxamed Cabdulqaadir Nuur (Mooshin).
Muqdisho ayaa haatan ku jirto xaalad deganaasho ah, waxaana laga nastay qaraxyadii horay uga dhici jiray caasimada, kadib qorshe cusub oo ay la timid dowladda Soomaaliya.

