26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Fadeexad: Hay’adda SODMA oo Hiiraan geysay gargaar si weyn looga carooday

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa si kulul u dhaliilay gargaar ay hay’adda SODMA geysay degmada Moqokori, kaas oo ahaa agab dhowr kartoon ah oo loogu tala-galay ciidamada Macawiisleyda.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye oo ka carooday fadeexaddan ayaa tilmaamay mid aan ka tarjumeyn baahida dhabta ah ee ciidanka Macawiisleeyda. Waxa uu sheegay in gargaarkaasi uu ahaa dhowr kartoon oo aan ka turjumeyn doorka muhiimka ah ee ay ciidamadu kaga jiraan dagaalka Al-Shabaab.

Guddoomiye Muuse ayaa si gaar ah u muujiyay sida uu uga niyad-jabay qaabka ay dowladda federaalka iyo hay’adda SODMA ula dhaqmeen ciidanka Macawiisleyda, oo uu ku sifeeyay geesiyaal u huray naftooda difaaca dalka. Wuxuu sheegay in lagu gefay karaamadooda markii loo keenay gargaar yar oo aan la jaanqaadi karin waxqabadkooda.

Tan yaabka leh ayaa ah in gargaarkan saluuga laga muujiyay lagu soo qaaday laba diyaaradood, uuna ku baxay kharash illaa xad ka badan agabka lagu sheegay gargaarka. SODMA ayaa inta badan lagu eedeeya inay safka hore uga jirto hay’adaha uu musuqa biyo dhigay ee dowladda Soomaaliya.

“Dadka meeshaan jooga in hay’adda SODMA u keento dhowrkan kartoon oo ay ku qancan una sacbiyan maahan mid inaga suurta-galeyso, ciidamada Macawiisleyda waxay naftooda u hureen difaaca dalka, umana qalmaan in loo keeno dhowr kartoon oo magac loogu raadinayo waa arin fadeexad iyo ceeb weyn ku dowladda,” ayuu yiri Guddoomiye Muuse Salaad.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda in ay si deg-deg ah ciidamada deegaanka loo soo gaarsiiyo taageero dhab ah oo la jaanqaadi karta baahida ciidanka Macawiisleeyda, si loo dhiirrigeliyo dadaalkooda joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhinaca kale, shacabka gobolka Hiiraan ayaa dhankooda si weyn baraha bulshada uga muujiyay caro iyo niyad-jab ku saabsan gargaarkii SODMA ee Moqokori, iyagoo is-barbardhig ku sameeyay gargaarka ballaaran ee la gaarsiiyay deegaanno ka tirsan Sh/Dhexe. Waxayna cadaalad-darro ku tilmaameen in Hiiraan oo dagaal culus ku jirta loo keeno kartoono kooban.

Si kastaba, arrimahan ayaa imaanaya xilli ciidamada Macawiisleyda ay sare u qaadeen hawl-galladooda gobolka Hiiraan, gaar ahaan xuduudda ay la wadaagto Sh/Dhexe, iyagoo guulo la taaban karo ka gaaray dagaallo ay ku qaadeen fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanno muhiim ah.

- Advertisement -

Read more

Local News