Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa lagu eedeeyay in ay si xoog ah qeybo kamid ah bulshada ugu qasbayaan inay isdiiwaan-geliyaan, si loo hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa eedeyntan u jeediyay guddiga doorashada, isagoo sheegay in diiwaan-gelinta lagu qasbayo Ardeyda iyo Macalimiinta Jaamacadaha, taasoo yaab leh maadaama aan muwaadinka lagu qasbi karin, ayna tahay ikhtiyaari, xitaa haddii mid sharci ah ay tahay isdiiwaan-gelinta.
“Waxaan canbaaraynaynaa falka gurracan ee uu guddiga halka dhinac ah ee doorashooyinka ku cadaadinayo Jaamacadaha Caasimada in ay qasab ku diiwaan geliyaan ardayda, macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Waxa uu intaas kusii daray “Guddigu wuxuu ugu hanjabay jaamacaddii ka biya diidda go’aankooda in ay tillaab ka qaadi doonaan iyagoo adeegsanaya ciidanka ammaankana. Isdiiwan-gelinta, codaynta iyo ka qaybqaadashada doorashooyinka waa xaq dastuuri ah oo ikhtiyaari ah ee ma aha jajuub iyo qasab.”
Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;
Waxaan canbaaraynaynaa falka gurracan ee uu guddiga halka dhinac ah ee doorashooyinka ku cadaadinayo Jaamacadaha Caasimada in ay qasab ku diiwaan geliyaan ardayda, macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda.
Guddigu wuxuu ugu hanjabay jaamacaddii ka biya diidda go’aankooda in ay tillaab ka qaadi doonaan iyagoo adeegsanaya ciidanka ammaankana.
Is diiwan gelinta, codaynta iyo ka qaybqaadashada doorashooyinka waa xaq dastuuri ah oo ikhtiyaari ah ee ma aha jajuub iyo qasab.
Ma jirto wax ay shacabka Soomaaliyeed maanta ka jeclaan lahaayeen in ay xaqooda dastuuriga ah adeegsadaan oo ay doortaan dadkii meteli lahaa, waxaase lagu hodi karin doorasho hal dhinac wato oo qasab iyo jajuub lagu meelmarinayo, taasoo natiijadeedu tahay qalalaase iyo xasilooni-darro siyaasadeed.
Waxaan ugu baaqaynaa maamulka jaamacadaha in ay ku adkaystaan mowqifkooda, shacabkana la wadaagaan falfal xumida Guddiga, iyagoo adeegsanaya isku soo baxyo nabadeed iyo warbaahinta baraha bulshada ee fududaynaysa is abaabulka dijitaalka ah (Digital Activism).

