29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Daawo: Qaybdiid oo weerar culus ku qaaday Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online ) –  Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo maanta ka qayb-galay shirka mucaaradka ee ka furmay hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, isaga oo weerar culus ku qaadan Xasan Sheekh.

Cabdi Qaydiid ayaa si weyn u dhaleeceeyay maamulka Xasan Sheekh, wuxuuna ku eedeeyay inuu dalka burburiyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan diyaar u nahay inaan ka qayb-qaadano waxa ka socda Soomaaliya oo burburtay iyo rajadii siidii loo soo celin lahaa, sababtoo qadka ayay ka dhacda Soomaaliya” ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Sidoo kale, Senatorka ayaa tilmaamay in madaxweynuhu uu isku soo koobay taladii dalka, isla-markaana uu burburiyay hay’adihii kala duwanaa ee dowladda.

“Dowladdan hadda jirto waad ogtihiin ma taagna oo wixii oo dhan hal sanduuq ayay ku jiraan oo hay’ado ma shaqeeyaan” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu xusay mucaaradka shiraya looga baahan yahay inay keenaan isbeddal dhab ah, si loo helo hoggaan dalkan samata bixin kara dalka.

“Hadii ay baahashu tahay sidii hore oo awelba inta la’isku yimaado baahasha la kala kacsado, oo hayd qofbaa qof beddali jiray, waxna isma beddali jirin” ayuu sii raaciyay.

Shirweynaha maanta u furmay mucaaradka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo amniga guud ee dalka, iyada oo la filayo in go’aanno xasaasi ah ay soo saaraan xubnaha mucaaradka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, waxaana la’isku hayaan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka ee 2026.

- Advertisement -

Read more

Local News