Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa xoojinta iskaashiga milatari iyo amni ee ay la leedahay dowladda Turkiga, iyadoo qorshahaasi uu yahay mid lagu dardargelinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay istiraatiijiyad cusub oo lagu dhisayo awood ciidan oo gudaha dalka ka dhalata, loogana kaaftoomayo dibedda.
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca milatariga ayaa si gaar ah u sii xoogeysanaya, iyadoo ay muuqato in Dowladda Federaalka ay u jiheysanayso iskaashi fogaan dheer ah oo dhinacyo badan leh. Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Mareykanka uu hoos u dhigay doorkiisii gudaha Afrika, gaar ahaan dhanka taageerada dhaqaalaha ee la siin jiray dalalka qaaradda.
Soomaaliya, oo muddo dheer ka faa’iideysan jirtay taageerada milatari ee Mareykanka, ayaa hadda u muuqata mid si buuxda ugu leexatay dhanka Turkiga. Sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargeyska Washington Post, isbeddelka siyaasadeed ee ka dhacay Mareykanka tan iyo 2024 ayaa hoos u dhigay taageeradii dhaqaalaha ee lagu bixin jiray howl-galka AUSSOM.
Turkiga ayaa horey uga hirgaliyay magaalada Muqdisho saldhig ciidan oo muhiim ah, kaas oo lagu tababaro kumannaan askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. Saldhiggan ayaa noqday tiir muhiim ah oo dowladda Soomaaliya ay ku tiirsan tahay dhismaha ciidan qaran oo leh karti iyo awood ku filan la tacaalida kooxaha hubeysan.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale codsi rasmi ah u dirtay Turkiga, kaas oo ay ku dalbatay in la keeno tababarayaal dheeraad ah iyo ciidamo si ay gacan uga geystaan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Isbeddelladan ayaa muujinaya in Soomaaliya ay dib u qaabeyn ku sameyneyso siyaasaddeeda amni ee dibadda, iyadoo ay muuqato in dowladda ay doorbideyso iskaashi joogto ah oo lagu dhisayo awood ciidan oo xooggan, si loo dardar geliyo dagaalka kooxaha argagixisada ah.
Si kastaba, Turkiga ayaa hadda loo arkaa saaxiibka ugu dhow ee ka jawaabaya baahida amni ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

