Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qaabilay ciyaartoydii hore ee caanka ka ahaa dhanka kubadda cagta caalamka, Samuel Eto’o oo ah Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Cameroon, Emmanuel Adebayor, iyo Jay-Jay Okocha oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdigan culus ku qaabilay xarunta qaranka madaxtooyada, isaga oo uga mahadceliyay xidigaha booqashada ay ku yimaadeen dalka, taas oo ka marag kacaysa amniga iyo dib u kabashada Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal xoogleh ku bixinayso horumarinta ciyaaraha iyo amniga guud ee dalka.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dadaal xooggan ku bixinaysaa sidii loo horumarin lahaa ciyaaraha kala duwan ee dalka, loona suuq geyn lahaa hibada dhalinyarada Soomaaliyeed ee dhanka isboortiga” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiisak madaxweynaha.
Waxaa kale oo uu madaxweynuhu sheegay in booqashada ciyaartooyda caalamiga ah ay muujinayso kalsoonida sii kordheysa ee caalamka uu ku qabo Soomaaliya iyo horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isdhex-galka iyo dhiirrigelinta dhallinyaradda.
Munaasabaddan waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cali, Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Cali Cabdi Maxamed, Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda South Sudan Augustino Maduot Parek iyo Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta ee Jabuuti Mudane Suleymaan Xasan Waaberi.
Safarka halyeeyadan ayaa u jeedadiisa lagu sheegay qiimeyn caalami ah oo lagu sameynayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, iyaga oo shalay lagu marti qaaday ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdishou.
Bulsho weynta ku dhaqan caasimada ayaa shalay gala aad u camirtay Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, halkaas oo lagu qabtay kulankaan xiisaha leh oo ay kasoo muuqdeen ciyaariyahannada Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha.
Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeysay ku tallaabsaneysay horumar ballaaran, tanina waa tallaabo kale oo loo qaaday xagga ciyaaraha oo hadda meel wanaagsan maraya.


