Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay ilaa saaka xoogaystay warar sheegaya in saacadaha soo socda dib loogu magacaabayo Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad.
Caasimada Online ayaa heshay farriin xalay loo diray Golaha Wasiirrada, taas oo lagu wargeliyay in maanta 10:00 subaxnimo la isugu yimaado shir degdeg ah. Farriinta loo diray golaha ayaa u qorneyd sidan:
“Salaan Golaha Sharaf leh. Iyadoo ay innagu soo food leeyihiin Munaasabadda Ciidda iyo xuska maalmaha Qarannimada ee Xorriyadda, waxaa Golaha loogu yeerayaa shir aan caadi ahayn oo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga iyo xasillinta dalka. Berri – 1-da Juun 2025, 10:00 subaxnimo,. Goobta: Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.”
Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay in ajandaha maanta uu ka mid yahay magacaabista Mahad Salaad, taasoo marar badan dib u dhacday.
Mahad, oo seddex toddobaad ka hor uu xilka u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah loogu dhawaaqo, iyadoo uu Taliska NISA kala wareegayo Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe”, oo horay xilkan uga qaaday.
Sanbaloolshe ayaa ka biyo-diiday in xilka laga qaado, isagoo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha kula gorgortamay kursiga, maadaama aysan diyaar u ahayn in si toos ah dowladda uga saaraan.
Xil ka qaadista Sanbaloolshe ayey suurta-gal tahay in ay ka careysiiso beeshiisa, oo muhiim u ah dagaalka dowladda ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, inkasta oo ay suurta-gal tahay in si kale ama xilal kale lagu qanciyo.

