29.9 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Madaxweyne Geelle oo qaabilay Xamza iyo arrimaha laga wada-hadlay + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada-hadlay xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha xaaladda gobolka.

Intii uu socday ulanka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa sidoo kale diirada lagu saaray sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo walaalnimada labada shacab.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay xaqiijisay muddadii ay shaqaynaysay guulo wax ku ool ah oo la xiriira dhinacyada horumarinta, amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dowlad-dhiska dalka.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in guulahaasi lagu gaaray iskaashiga iyo wada-shaqeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Mudane Xamza ayaa ugu dambeyntiina uga mahad-celiyey dowladda iyo shacabka Jabuuti sida walaalnimada ah ee ay u garab taagan yihiin dalkeenna, waxa uuna adkeeyey muhiimadda iskaashiga istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Isagoo ku amaanay doorka muhiimka ah ee Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ku leeyahay nabad iyo isku soo dhawaynta gobolka gaar ahaan ummadd Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay sii wadayaan taageerada iyo garab istaagga dowladnimada Soomaaliya, isaga oo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News