Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Amiirka Dowladda Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.
Labada hoggaamiye ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo Amiirka Qatar uu ballan-qaad u sameeyay Madaxwaynaha Soomaaliya.
Wakaalladda Wararka Qatar ayaa sheegtay in wada-hadalladaasi diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo khuseeya xaaladda gobolka iyo guud ahaan caalamka. Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan si kor loogu qaado danaha labada shacab ee Soomaaliya iyo Qatar.
Intii uu socday wada-hadalkooda, Amiirka Qatar ayaa u ballan-qaaday Madaxweynaha Soomaaliya in dalkiisa uu sii xoojin doono taageerada buuxda ee uu siiyo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Taageeradan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Dhawaanahan, warar soo baxayay ayaa muujinayay in Dowladda Soomaaliya ay ka codsatay Qatar in ay martigeliso shir weyn oo lagu ururinayo dhaqaale loogu talagalay howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM. Howl-galkan ayaa la sheegay in Mareykanku uu ka laba-labaynayo maalgelintiisa.
Qatar ayaa muddo dheer safka hore kaga jirtay dalalka taageera Soomaaliya, iyadoo marar badan muujisay sida ay uga go’an tahay garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Dowladda Qatar ayaa dhawaan ballan-qaaday inay shaqo-abuur u sameyn doonto 10,000 shaqaale Soomaali ah oo ay ka howl-gelin doonto gudaha dalka Qatar. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu yareynayo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Soomaaliya, iyadoo la doonayo in fursado dhab ah loo abuuro dhalinyarada Soomaaliyeed.