26.5 C
Mogadishu
Saturday, June 7, 2025

Xogta weerarka godad sir ah oo ku dhuumanayeen xubno sare oo Daacish ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa xalay fulisay weerar cirka ah oo culus, kaas oo lagu bartilmaameedsaday godad ku yaalla togga Baalade ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dhuumanayeen firxadyo ka tirsan kooxda Daacish.

Weerarkan ayaa la sheegay inuu si gaar ah u beegsaday xubno sare oo kooxdaasi ah kuwaasoo la rumeysan yahay inay ka mid yihiin shaqsiyaadka sida gaar ah loo raadinayay.

Duqeyntan oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa lagu garaacay afar goobood oo muhiim ah oo ku yaalla afka togga Baalade. Goobahan ayaa la sheegay inay u ahaayeen meel ay u baxsadeen firxadkii laga saaray deegaanka Miraale, kuwaas oo halkaas isku urursaday kaddib markii ay culeys kala kulmeen dagaallo hore oo ka dhacay.

Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan Taliska Miraale ayaa sheegay inay xalay maqleen jug culus oo isdaba joog ah oo ka dhacaysa dhinaca togga Baalade. Sidoo kale, iftiin xooggan oo u eg hillaac ayaa laga arkayay hawada sare, taas oo muujineysa baaxadda iyo xoogga duqeynta ay Mareykanku ka geysteen halkaas.

Xafiiska Warbaahinta ee u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad ee Puntland ayaa xaqiijiyay weerarkan, isagoo tilmaamay in Mareykanku si toos ah u beegsadeen godad ay ku dhuumanayeen firxadkii Daacish. Warbixinta ayaa lagu sheegay in hawl-galka uu yahay mid qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday halis amni oo ka jirta gobolka.

Sida lagu sheegay qoraalka, Mareykanku waxa ay duqeeyeen afar meelood oo muhiim ah, kuwaasoo ku yaalla inta u dhexeysa togagga Baalade iyo Miraale. Goobahan ayaa loo aqoonsaday xarumo ay firxadkii argagixisadu u adeegsadeen dhufeysyo iyo meelo ay ku dhuuntaan si ay uga fogaadaan weerarada tooska ah.

Hawl-galka ayaa qeyb ka ah iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Dowladda Mareykanka iyo Puntland, kaas oo lagu doonayo in lagu dabar-jaro khataraha argagixisada ee ka jira buuraha iyo godadka fog ee ay ku dhuuntaan xubnaha Daacish. Weerarkan waxa uu sidoo kale calaamad u yahay dadaalka joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxdaasi ee gobolka.

Weerarka togga Baalade wuxuu muujinayaa isbedelka xawaaraha hawl-gallada lagula dagaalamayo argagixisada, gaar ahaan marka laga hadlayo meelaha ay ku dhuuntaan.

Si kastaba, Puntland iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ayaa muujiyay in aysan fursad siin doonin kooxaha khatarta ku ah amniga gobolka, iyagoo adeegsanaya awood ciidan oo sare iyo qorsheyaal la jaanqaadaya xaqiiqda dhabta ah ee goobaha ay kooxdaasi ku dhuumanayso.

- Advertisement -

Read more

Local News