Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa caawa la wareegay xilka, isagoo kala wareegay guddoomiyihii la bedelay Maxamed Axmed Amiir.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xilka u kala wareejiyey Guddoomiyaha cusub iyo Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir.
Munaasabad weyn ayaa caawa lagu qabtay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, halkaas oo ay isugu yimaadeen masuuliyiin aad u badan.
Guddoomiye Muungaab oo hadal ka jeediyey xafladii uu xilka kula wareegay ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono iftiiminta Caasimadda, amniga iyo horumarinta wadooyinkeeda.
Sidoo kale, masuuliyiin badan ayaa hadal ka jeediyey xafladda, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku bogaadiyey xulashadiisa Muungaab oo ay qireen in gobolka uu wax badan ka qabtay.
Guddoomiye Yabooh ayaa yiri, “Guddoomiye Amiir iyo Guddoomiye Muungaab gobolkaan shaqo wanaagsan ayeey ka soo qabteen, waxaana u mahadcelinayaa cid walba oo munaasabadaan ka soo qeybgashay.”
Guddoomiye Jawaahir Baarqab “Guddoomiye Muungaab Muqdisho oo lagu kala cararay waa ninkii amni ka dhigay, dadkana baray in iskutashi wax lagu dhisan karo.”
Imaamka Muddullood Imaam Cumar Macalin Abshir oo xafladda ka qeyb galay ayaa yiri, “Waxaan u baahanahay Amni, waxaana Guddoomiye Mungaab ku naqaan in uu yahay nin geesi ah oo cadowga indhaha ku dhufta.”
Ugaaska Mudulood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa isna yiri “Muungaab Muqdisho wax badan ayuu ka qabtay, haatana waxaan ka rabnaa in Muqdisho maqaam yeelato, oo Soomaali oo dhan iska dhex aragto”.
Sheekh Cali Wajiis oo hadal ka jeediyey xafladda ayaa yiri “Dalka cadow ayaa laga xoreynayaa, wuxuuna guddoomiye Muungaab yimid xilli baahi loo qabay oo dalka xoreyn ka socoto.”