Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa jugta qarax wayn oo xalay laga maqlay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo lasoo wariyay inuu ku qarxay raggii diyaarinayay oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Qaraxa ayaa ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Barwaaqo ee degmadaasi, waxaana la sheegay in lagu dhex-diyaarinayay, kadibn ay ku halaagsameen raggii ku howlanaa.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jugta lava qarax, waxaana kadib goobta si deg-deg ah ku gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo qaaday tallaabadii loo baahnaa.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga oo dhaawacyo ah ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada, sidoo kalena ay qabteen mooto Bajaaj lagu rarayay walxaha qarxa.
Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay gebi ahaan guriga ay ka dhacday dhibaatada ee lagu dhex farsameynayay qaraxa ka dhacay halkaasi.
Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi, waxaase soconayo baaritaanno lagu hayo ragga la qabtay ee ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxa ay ku diyaarinayeen xaafadda Barwaaqo ee Dayniile.
Ammaanka degmadan ayaa muddooyinkaan ahaa mid deggan, waxaana iska kaashaday ciidamada ammaanka iyo dadka deegaanka oo dhowr jeer ka hortagay weeraro qorsheysan iyo qaraxyo ay soo maleegeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa meesha ka baxay hoobiyeyaal mararka qaar laga soo tuuri jiray aagga degmada Dayniile, sida uu dhowaan shaaciyay wasiirka amniga gudaha Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.
“Waxaan ku amaanayaa Dayniile lixdii bilood ee ugu dambeysay hal madfac oo laga soo tuuray kuma soo dhicin magaalada Muqdisho, waana dadaal aad muujiseen” ayuu yiri Fartaag.
Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa hadda ku jirto xaalad daganaan ah, waxaana laga nastay qaraxyadii joogtada ahaa iyo weerarada tooska ahaa ee ka dhici jiray caasimada.