28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xogta hoobiyeyaal culus oo lagu garaacay XALANE

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Illaa 2 hoobiye ayaa lasoo wariyay inay ku dhaceen gudaha xerada iyo halka mid sadeexaadna uu ku dhaca xaafad kamid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan.

Wax-yar kadib waxaa sidoo kale garoonka laga shiday seeriga bixiyo digniinaha marka la dareemo in ay jiraan xaaladaha halista ee la xiriira amniga garoonka Muqdisho.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan loo adeegsaday madaafiicda oo kusoo aaday, xilli haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ay ka socdaan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, isla markaana shirar ay ka wadaan wakiilada beesha caalamka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay garoonka Aadan Cadde iyo xerada Xalane.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku socda shaqada garoonka oo ma jiro wax saameyn ah oo uu ku yeeshay weerarka hoobiyeyaasha ee lagu qaaday.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaadyadii lasoo dhaafay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir lagu garaacayay hoobiyeyaal, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Madaafiica qaar ayaa lagu beegsaday xarumo dowladeed oo muhiim ah, sida aagga Madaxtiiyada, garoonka Aadan Cadde iyo meelo kale oo kamid ah caasimada.

Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.

Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoogga soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana barbar socda duqeymo diyaaradeed oo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageeraya ciidamada Xoogga dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News