Gaza (Caasimada Online) – Israel ayaa hubaynaysa maleeshiyo Falastiini ah oo ku sugan Gaza, taasoo qayb ka ah dadaal ballaaran oo ay kula dagaallamayso ururka Xamaas ee gacanta ku haya gobolkaas, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Israa’iil.
Kadib muran socday maalintii oo dhan, ayaa Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu wuxuu Khamiistii qirtay in dalkiisu uu wadashaqeyn la lahaa “qabaa’ilka Gaza.”
Laba mas’uul oo Israa’iili ah iyo qof kale oo xog ogaal u ah arrintan ayaa sheegay in maamulka Israa’iil uu taageero hubeyn ah u fidiyay Yasser Abu Shabab, oo ah hoggaamiye hubeysan oo caan ah kana madax ah maleeshiyada ku sugan koonfurta Gaza.
Abu Shabab ayaa la rumeysan yahay inuu hoggaamiyo koox hubaysan oo tiradoodu kooban tahay kuna sugan magaalada Rafah ee koonfurta Gaza. Wuxuu si weyn caan uga noqday gobolka sanadkii hore kadib markii lagu eedeeyay inuu dhacay oo dib u iibiyay gargaar bani’aadannimo oo loogu talagalay shacabka reer Gaza—eedaymahaas oo uu isagu beeniyay.
Mid ka mid ah dadka xogta bixiyay ayaa sheegay in tallaabada Israa’iil ay ahayd mid calaamadaysan, loogana gol leeyahay in ay muujiso in ururka Xamaas uu luminayo taageerada shacabka reer Gaza.
Wali ma cadda saamaynta ay tallaabada ay Israa’iil ku hubeysay maleeshiyadan yeelan karto dhinaca ammaanka Gaza. Balse go’aankan ayaa iftiiminaya sida Israa’iil ay ugu adkaatay inay hesho beddel kale oo lagu beddelo maamulka Xamaas, kadib dagaal socday muddo ka badan sannad iyo bar, iyo sida ay diyaar ugu tahay inay qaadato tallaabooyin laga yaabo inay khatar ku yihiin ammaanka mustaqbalka.
Qirashada Netanyahu
Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay “firfircoonaysay qabaa’ilka Gaza ee kasoo horjeeda Xamaas,” wuxuuna tallaabadaas ku tilmaamay mid “wanaagsan” oo badbaadisay nolosha askarta Israa’iil.
“Maxaa ka khaldan taas?” ayuu yiri isagoo muuqaal soo dhigay baraha bulshada, wuxuuna sheegay inuu tallaabadan oggolaaday kadib markii uu talo ka helay saraakiisha ammaanka. Si kastaba, wuxuu ka gaabsaday inuu sheego inay hub direen iyo in kale.
Abu Shabab ayaa dhinaciisa gebi ahaanba beeniyay sheegashada ah in kooxdiisu ay hub ka heshay Israa’iil. Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu ku sheegay in arrintaasi tahay “eedo aan sal lahayn” oo loogu talagalay in lagu dhaawaco kooxdiisa oo uu sheegay inay si iskood ah u kacday, kuna kacday “ka hortagga dulmiga, dhac iyo musuq-maasuq.”
In ka badan sannad iyo bar, Israa’iil ayaa dagaal adag kula jirtay ururka Xamaas tan iyo weerarkii dhimashada badan sababay ee 7-dii Oktoobar 2023. Laakiin Israa’iil ayaa wali u muuqata mid ku jahwareersan sidii ay u heli lahayd maamulka beddeli kara Xamaas oo gacanta ku haysay Gaza laga soo billaabo 2007.
Netanyahu iyo saraakiisha sarre ee dowladda Israa’iil ayaa marar badan ku celceliyay inaysan aqbalaynin maamulka Falastiin (Palestinian Authority), oo taageero caalami ah haysta, inuu maamulo Gaza.
Netanyahu ayaa mar hore wareysi uu bixiyay sannadkii hore ku sheegay inay isku dayeen inay la shaqeeyaan qoysaska iyo qabaa’ilka awoodda leh ee Gaza, laakiin ay arrintaasi fashilantay kadib markii Xamaas ay dadkaas beegsatay oo “baabi’isay,” sida uu yiri.
Tallaabada Israa’iil ay ku taageerayso Abu Shabab ayaa u muuqata inay ka sii xoog badan tahay isku dayadii hore, laakiin wali ma cadda heerka awoodda hoggaamiyahan cusub uu ku leeyahay gudaha Gaza.
Xildhibaannada Israa’iil ayaa bishii Maarso sheegay in wali Xamaas ay haysato ciidamo gaaraya in ka badan 25,000 oo dagaalyahan.
Soo shaac-bixiddii Abu Shabab
Magaca Abu Shabab ayaa si weyn loo bartay intii uu socday dagaalkii Gaza kadib markii lagu eedeeyay inuu dhacay gawaarida gargaarka QM u waday shacabka reer Gaza sanadkii hore isaga iyo ciidamadiisu. Sarkaal ka tirsan UN-ka oo isku dayay inuu gargaar gaarsiiyo shacabka baahan ayaa Abu Shabab ku tilmaamay inuu yahay “nin awood sheegta oo gacanta ku haya bariga magaalada Rafah.”
Wareysi hore oo lala yeeshay ayuu Abu Shabab ku beeniyay eedahaas isagoo sheegay inuu u qaatay gargaarka si uu naftiisa iyo qoyskiisa u quudiyo. Balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay sheeko ka duwan; mid kamid ah darawallada gawaarida gargaarka ayaa sheegay in Abu Shabab iyo ciidamadiisu ay xoog kaga qaateen gaari sida tan oo gargaar ah.
Xamaas ayaa markaa kadib weerar xooggan ku qaaday kooxda Abu Shabab iyadoo dishay walaalkiis, inkastoo uu isagu ka badbaaday weerarka. Warbaahinta Xamaas ayaa xiligaas sheegtay inay dileen 20 qof oo ay ku tilmaameen “tuugo dhacaysay gargaarka.”
Toddobaadyadii ugu dambeeyay, Abu Shabab ayaa billaabay olole baraha bulshada ah si uu sumcaddiisa u wanaajiyo. Toddobaadkan wuxuu ugu baaqay shacabka reer Gaza inay dib ugu soo laabtaan dhulka ku yaalla bariga Rafah, oo uu sheegay inuu isagu gacanta ku hayo, wuxuuna ballanqaaday inuu siin doono hoy iyo raashin.
Yossi Amrosi, oo hore uga tirsanaa sirdoonka Israa’iil ee u qaabilsan Gaza, ayaa sheegay in kooxda Abu Shabab aysan ahayn kuwa taageersan Israa’iil, balse taas aysan hadda ahayn arrinta ugu muhiimsan. Wuxuu ku qiyaasay awoodda kooxdan dhowr boqol oo dagaalyahan.
“Xilligan, waxaan wada leenahay cadow midaysan oo ah Xamaas,” ayuu yiri Amrosi. Wuxuuse uga digay Israa’iil inay si taxaddar leh ula socoto taageerada kooxdan si aysan tallaabadaasi u noqon mid ka soo horjeedda Israa’iil mustaqbalka.
Khilaafka gudaha Israa’iil ayaa soo ifbaxay kadib markii Avigdor Liberman, xildhibaan mucaaradka ah oo hore u ahaa wasiirka difaaca, uu ku eedeeyay Netanyahu inuu hub u diray koox dembiilayaal ah oo ku sugan Gaza.
Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil Yair Lapid ayaa bartiisa bulshada ku sheegay in go’aanka Netanyahu uu “horseedi doono musiibo,” isagoo intaa ku daray in hubka loo dirayo Gaza ay ugu dambeyn Israa’iil ku soo jeedin doonaan.
Tallaabadan cusub ayaa dadka qaarkiis xasuusisay go’aankii Netanyahu uu lacagaha malaayiinta ah ee Qatar ugu oggolaaday in loo diro Gaza, lacagahaas oo mar dambe la sheegay inay u weeciyeen howlgallada milateri ee Xamaas.