Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa toddobaadkan diiday qorshe ay Israaโiil ku doonaysay in lagu dilo Hogaamiyaha Sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, sida ay u sheegeen laba sarkaal oo Maraykan ah wakaaladda wararka ee Reuters Axadda.
โMa Iran ayaa weli Maraykan dishay? Maya. Ilaa ay sidaas sameeyaan, xitaa kama hadleyno in aan bartilmaameedsano hoggaankooda siyaasadeed,โ ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Maraykanka.
Saraakiishan oo codsaday in aan la magacaabin ayaa sheegay in masโuuliyiin sare oo Maraykan ah ay si joogto ah ula xiriirayeen dhiggooda Israaโiil tan iyo markii Israaโiil billowday weerar ballaaran oo ka dhan ah Iran, si loo hakiyo barnaamijkeeda nukliyeerka.
Waxay sheegeen in Israaโiil ay soo sheegtay inay heshay fursad ay ku beegsan karto hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran, balse Trump uu ka hor yimid qorshahaas. Lama xaqiijin in Trump uu si toos ah u gudbiyey fariinta diidmada, hase yeeshee, waxaa la sheegay inuu xiriir dhow la lahaa Raโiisul Wasaaraha Israaโiil Benjamin Netanyahu.
Markii laga waraystay arrintan, Netanyahu oo la hadlayey barnaamijka โSpecial Report with Bret Baierโ ee Fox News Axaddii, ayaa yiri: โWaxaa jira warar badan oo been ah oo sheegaya wada-hadallo aan dhicin, mana doonayo inaan arrintaas sii galo.โ
โHaddana, waxaan kuu sheegayaa inaan sameyno wixii aan u baahan nahay, Maraykankuna wuu garanayaa waxa u fiican isaga,โ ayuu raaciyey Netanyahu.
Trump ayaa weli muujinaya rajo ah in dib loo bilaabi karo wadahadalladii u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ee ku saabsanaa barnaamijka nukliyeerka Tehran. Si kastaba ha ahaatee, wadahadallo lagu waday inay Axadda ka dhacaan Cummaan ayaa la baajiyay kaddib weerarradii cusub.
Inkastoo dagaalka u dhexeeya Israaโiil iyo Iran uu cirka isku sii shareerayo, Trump ayaa sidoo kale Axaddii muujiyey rajo ah in nabad laga gaari doono, isagoo xusay suurta-galnimada in Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu kaalin ka qaato dhexdhexaadinta.
Qoraal uu ku daabacay barta Truth Social, Trump wuxuu sheegay in wadahadallo badan oo aan la shaacin ay socdaan, islamarkaana uu ku dhiirrigelinayo labada dal inay heshiis gaaraan. Wareysi uu siiyay ABC News ayuu ku sheegay inuu diyaar u yahay in Putin โ oo ciidamada Ruushka u diray Ukraine isla markaana ka hor yimid dedaallada Trump ee xabbad-joojinta Kyiv โ uu noqdo dhexdhexaadiye.
Israaโiil iyo Iran ayaa habeenimadii iyo maanta oo Axad ah is dhaafsaday weerarro cusub oo sababay dhimashada dad badan.
โIran iyo Israaโiil waa inay heshiis gaaraan, waana gaari doonaan,โ ayuu Trump ku qoray Truth Social. โWaxaan helaynaa NABAD โ dhowaan โ oo dhex marta Iran iyo Israaโiil! Wicitaanno iyo kulammo badan ayaa hadda socda.โ Trump ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan kulamadaasi ama horumarka la gaaray.
Hadalkiisa ayaa si toos ah uga hor imaanaya hadal uu Sabtidii jeediyay Netanyahu, oo sheegay in Israaโiil ay sii kordhin doonto weerarrada ay ku hayso Iran.
Afhayeen u hadashay Aqalka Cad ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsi lagu weydiiyay sida Trump iyo Aqalka Cad ay uga shaqeynayaan dejinta xiisadda Bariga Dhexe.
Trump ayaa u sheegay ABC News in Iran ay diyaar u tahay inay heshiis gasho, isagoo sheegay in weerarrada Israaโiil ay suuragal tahay inay xoojiyeen rabitaankaas. โWax sidan oo kale ah waa in ay dhacdo, waxay rabaan inay wadahadlaan, waana wada hadli doonaan,โ ayuu yiri Trump, sida uu weriyey wariyaha ABC Rachel Scott.
โWaxaa laga yaabaa inay taas dedejiso heshiiska.โ
Maraykanka ayaa horey Iran ula galay wadahadallo si looga doodo barnaamijkeeda nukliyeerka, waxaana Trump uu hore u sheegay in wada-hadalladu si wanaagsan u socdeen. Si kastaba, wareeg kale oo wadahadallo ah oo lagu waday inuu Axaddii ka dhaco Cummaan ayaa la baajiyay kaddib weerarradii ay is-dhaafsadeen Israaโiil iyo Iran.
Trump ayaa sidoo kale sheegay in isaga iyo Putin ay Sabtidii ka wada hadleen arrimaha Bariga Dhexe, taasoo uu sheegay inay ahayd mowduuca ugu weyn ee khadka telefoonka looga hadlay, marka la barbar dhigo dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
โWuu diyaar yahay. Isaga ayaa i soo wacay,โ ayuu Trump ka yiri doorka suurtagalka ah ee Putin, sida uu sheegay Scott. โWaxaan yeelanay wadahadal dheer. Waxaan ka hadalnay arrintan si ka badan xaaladdiisa. Waxaan rumeysanahay in arrintan xal loo heli doono.โ
Trump, oo isu arka dhexdhexaadiye nabadeed, ayaa wajahaya dhaleeceyn uga imaanaysa taageerayaashiisa siyaasadeed oo ku eedeeya inuusan ka hortagin dagaalka Israaโiil iyo Iran. Wuxuu sidoo kale xusay khilaafyo kale oo uu sheegay inuu ka shaqeeyay, sida kan u dhexeeya Hindiya iyo Pakistan, isagoo ka cawday inaan si ku filan loogu mahadnaqin.
โWax badan ayaan qabtaa, waligeyse ma helo abaal marin, balse waa hagaag โ DADKA waa ay fahmayaan!โ ayuu ku qoray Truth Social.ย