Tel Aviv (Caasimada Online) – Meron Rapoport, tifaftire ka tirsan mareegta wararka Israaโiil ee The Local Call, ayaa sheegay in dadweynaha Israaโiil si weyn ula yaabeen tirada gantaallada Iiraan ee ka gudbay nidaamyada difaaca casriga ah ee Israaโiil kuna soo dhacay.
โIn kasta oo milatarigu isku dayayo inuu muujiye in arrintan la filayay, haddana dadku si dhab ah ayay ula yaabeen in gantaallo badan ay toos u haleeleen bartilmaameedyo gudaha Israaโiil, ayna sababeen burbur aad u baaxad weyn,โ ayuu Rapoport u sheegay Al-Jazeera.
Wuxuu intaas ku daray in weerarradu ay sidoo kale gaareen goobo istaraatiiji ah, islamarkaana ay dhici karto in dhacdooyin muhiim ah aan weli loo shaacin dadweynaha, oo la qarinayo.
โMa ogin wax walba sababtoo ah xakamaynta wararka waa mid aad u adag โ haddii aan wax ognahayna, looma oggola inaan sheegno,โ ayuu yiri.
Rapoport wuxuu intaas ku daray in heshiis lagu gaaro barnaamijka nukliyeerka Iiraan uu yahay waddada kaliya ee laga bixi karo xiisaddan.
โIiraan ma is dhiibayso, isbeddel xukun oo dalkaas ka dhaca dhawaan ma muuqdo, Israaโiilna dabcan ma is dhiibayso โ sidaas darteed, ma arko wax kale oo la isku fahmi karo marka laga reebo heshiis ay Iiraan iyo Mareykanku gaaraan,โ ayuu yiri.
Xogta uu bixiyey Rapoport ayaa imaneysa ayada oo uu sii kordhayo khasaaraha Israel ka soo gaaray weerarada Iiraan.
Kooxaha gurmadka degdegga ah ee Israaโiil ayaa baaraya burburka dhismayaal la dumiyey oo ay gantaallada Iiraan ku dhufteen, iyaga oo adeegsanaya eeyo baadi-goob ah iyo mashiinno waaweyn si ay u helaan dad laga yaabo in ay weli nool yihiin.
Ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan carruur ayaa la dilay maanta oo Axad ah, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee labada maalmood 13 qof. Si kastaba marka la eego heerka burburka gaaray Israaโiil, khasaaraha dhimashada ayaa la rumeysan yahay inuu aad uga badan tirada illaa hadda la shaaciyey.
Iiraan dhankeeda weli si buuxda uma shaacin tirada dhimashada, balse waxay sheegtay in 78 qof lagu dilay Jimcihii, iyadoo weerarro kale ay sababeen dhimasho dheeraad ah tan iyo markaas. Waxaa ku jirta weerar Sabtidii lagu beegsaday dhisme 14 dabaq ah oo ku yaalla Tehran, kaasoo gebi ahaanba dumay, waxaana ku dhintay 60 qof, kala barna waxay ahaayeen carruur.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Israaโiil, Gideon Saโar, ayaa wareysi uu Axaddii siiyay CNN ku sheegay in madaxda Israaโiil ay si buuxda u garwaaqsadeen in khasaare iman doono kadib weerarkii ay ku qaadeen Iiraan, balse aysan haysan wax kale oo ay ku beddelaan.
โMarkii aan gaarnay goโaankan taariikhiga ah, oo ahaa mid aad u adag, waan ogayn in ay imaan doonaan waqtiyo adag iyo khasaare na soo gaaraya. Laakiin haddana, doorasho kale ma aanan haysan,โ ayuu yiri Saโar.
โUjeeddadeennu ma ahayn in aan ridno xukuumadda Iiraan โ taas waxaa goโaankeedu u bannaan shacabka Iiraan. Annaga, Israaโiil ahaan, uma aragno shacabka Iiraan inay yihiin cadowgeena,โ ayuu ku daray.
Dhinaca kale, raโiisul wasaaraha Israaโiil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in ay ka jawaabi doonaan khasaaraha shacabka gaaray.
โIiraan waxay bixin doontaa qiimo culus oo ku saabsan dilka rayidka, haweenka iyo carruurta,โ ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha Israaโiil, Benjamin Netanyahu, isagoo ka hadlayay meel ka sareysa guryo burburay oo ku yaalla magaalada Bat Yam, halkaas oo lix qof lagu dilay.
Sarkaal sare oo Israaโiili ah ayaa sheegay in Israaโiil ay weli haysato liis dheer oo bartilmaameedyo ah oo ku yaalla gudaha Iiraan, balse uusan shaacin karin inta uu sii socon doono weerarku. ย
Madaxweynaha cusub ee Iiraan, Masoud Pezeshkian, ayaa sheegay in haddii Israaโiil ay sii waddo falalka cadawtinimo, jawaabaha Iiraan ay noqon doonaan โkuwa sii xoogaysanaya oo aad u xanuun badan.โ