Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa durba isbadal ku sameeyay qaybo ka mid ah Talisyada Hay’adda, gaar ahaan kuwa ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho.
Agaasime Mahad Salaad ayaa hal warqad ku magacaabay saraakiisha kala ah:
1- Taliyaha NISA ee qeybta guud ee gobalka Banaadir ayaa loo magacaabay Liibaan Cabdiraxmaan Aadan.
2- Kaaliyaha dhinaca amniga ee Agaasimaha Hay’adda NISA ayaa loo magacaabay Aadan Dheere.
3- Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde ayaa mar kale dib loogu magacaabay Korneyl Xamdi Xasan oo Sanbaloolshe uu xilkaas ka qaaday, mucaaradad adagna uu kala kulmay.
4- Taliyaha Guutada Ilaalada Shacabaka Gobalka ee Dharcadda NISA ayaa loo magacaabay Macalin Saalax Cabdinuur Cali oo ah nin dhalinyaro ah oo aad loogu amaanay baacsiga iyo fahanka dhagarta argagixisada.
Marka laga soo tago Taliyaha NISA ee gobalka oo xilkaan ku cusub inta kale horay ayay u soo haayeen meelaha loo magacaabay muddo xileedkii hore ee Agaasime Mahad Salaad uu hay’ada joogay.
Mahad Salaad oo shalay xilka la wareegay ayaa balan-qaaday inuu dardar galinayo shaqada sugidda amniga, isagoo muhiimadda koowaad siinaya caasimada Muqdisho.