26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Faah-faahinta howlgallo culus oo ka dhacay xadka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa fuliyay howl-gal qorshaysan, kaasi oo ka dhacay deegaanka Ceel Dheere ee ku yaalla xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Howl-galka ayaa bartilmaameedsaday goobo lagu tuhunsanaa inay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, howl-galka wuxuu ka koobnaa dagaal toos ah iyo duqeymo cirka ah oo si gaar ah loogu beegsaday xarumo iyo guryo gabaad u ahaa Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha xukuumaddu ku dooneyso in ay ku wiiqdo awoodda kooxdaasi ee ku sugan qeybo kamid ah bartamaha dalka.

Warbixinta dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in howl-galka lagu dilay tiro badan oo kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasoo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah. Duqeymaha dhanka cirka ah ee howlgalka qaybta ka ahaa ayaa waxaa fulintooda iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibada caalamka ee dowladda kw taageera dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Inkasta oo aan la shaacin tirada rasmiga ah ee xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay, haddana dowladda waxay sheegtay in lagu guuleystay burburinta xarumo muhiim ah oo kooxdaasi u adeegsato dagaalka iyo abaabulka weerarada. Sidoo kale, goobihii laga duqeeyay ayaa la sheegay inay ahaayeen saldhigyo muhiim ah oo muddo dheer u adeegayay Al-Shabaab.

“Duqeeymaha dhanka cirka ah oo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ayaa waxaa iska kaashaday ciidanka xoogga dalka iyo saaxiibada caalamka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Howl-galkan ayaa kusoo beegmaya xilli Dowladda Federaalka ay xoojinayso dagaalka Al-Shabaab, iyadoo la adeegsanayo istaraatiijiyad isku dhaf ah oo isugu jirta weerarro toos ah, duqeymo cirka ah, iyo taageero bulshada deegaanka ah.

Dowladdu waxay caddeysay in ay sii wadi doonto howl-galada noocan oo kale ah illaa laga cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab guud ahaan dalka, gaar ahaan meelaha ay weli ku dhuumaaleysanayaan. Waxay sidoo kale ugu baaqday shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasilooni siyaasadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News