25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Madax iyo xubno Shabaab ah oo lagu khaarajiyay guri ay ku dhuumanayeen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa 12 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal ayaa lagu dilay howl-gal si gaar ah loo qorsheeyay oo lagu beegsaday guri ku yaalla degmada Aadan Yabaal.

Howl-galkan oo ahaa mid si heer sare ah loo diyaariyay ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyay ciidanka hay’adda sirdoonka iyo babad-sugidda qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka ee dowladda ka taageera dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Guriga bartilmaameedka u ahaa howl-galka ayaa aheyd goob Al-Shabaab u aheyd xarun istaraatiiji ah oo lagu aruuriyo saanadda ciidanka, sidoo kalena laga abaabulo maleeshiyaadkooda.

Intii uu socday howl-galkaas, waxaa sidoo kale la burburiyay gaadiid dagaal, hub farabadan iyo saanado kale oo muhiim u ahaa cadowga, iyadoo howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Bartilmaameedka howl-galkaan waxaa qayb ka ahaa horjoogayaal si wayn loo daba socday kuwaas oo dhibaato badan u gaystay shacabka Soomaaliyeed, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda ayaa sheegtay in bulshada Soomaaliyeed ay dib kala soo wadaagi doonto magacyada horjoogayaasha howl-galkan lagu khaarajiyay kadib marka ay soo dhamaato qiimeynta socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in iyadoo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka ay ka go’an tahay ciribtirka kooxda Al-Shabaab, iyadoo sheegtay in aysan jirin meel ay ku baxsan karaan horjoogayaasha iyo maleeshiyaadkoodaba.

- Advertisement -

Read more

Local News