25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Xog: DENI oo shaqada ka eryaya wasiiro, agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qorsheynaya magacaabis ballaaran oo uu sameeyo kahor dhammaadka bisha Juun, sida ay xaqiijinayaan xogo hoose oo naga soo gaaray Madaxtooyada Puntland.

Magacaabista la filayo ayaa lagu wadaa in ay saamayn ballaaran ku yeelato golaha wasiirrada, agaasimayaasha wasaaradaha iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.

Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Deni uu wado qorshe isbeddel oo dhanka maamulka ah, taas oo la rumeysan yahay inay keeni doonto inuu shaqada ka eryo tiro badan oo shaqaalaha hay’adaha dowliga ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in isbeddelkan lagu wado in uu si rasmi ah u bilowdo toddobaadka soo socda, iyada oo inta hartay bishan Juun lagu guda jiro ay sii socon doonto magacaabista iyo dib-u-habaynta la qorsheeyay.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay, Madaxweynaha ayaa si dhow ula socda magacaabista, waxa uuna si gaar ah u xadiday xogta la xiriirta qorshayaashiisa, taas oo ka duwan habkii hore ee uu la-tashiga u sameyn jiray marka isbeddello waaweyn la qorsheynayo.

Tan ayaa loo arkaa mid muujinaysa in Saciid Deni uu doonayo in uu keligiis go’aan ka gaaro magacaabista cusub.

Magacaabista la filayo ayaa sidoo kale noqon karta mid ay ku jirto diyaargarow uu Madaxweynaha ugu jiro doorashooyinka mustaqbalka, iyada oo la saadaalinayo in isbeddelladan ay noqon karaan kuwo salka ku haya istaraatiijiyad cusub oo siyaasadeed. Waxaa laga dhowrayaa in xubno cusub oo siyaasadda ku cusub lagu soo daro liiska soo bixi doona.

Illaa hadda, xafiiska Madaxweynaha si rasmi ah ugama hadlin magacaabista la filayo, balse xaaladda Madaxtooyada iyo xogaha la helayo ayaa muujinaya in isbeddello culus oo dhanka maamulka ah ay Puntland ka hirgali doonaan maalmaha dhow. Dad badan oo arrimaha Puntland ka faallooda ayaa isha ku haya go’aannada Deni uu qaadan doono.

- Advertisement -

Read more

Local News