27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

BF oo galay fasax dheer xilli ay taagan tahay xiisad culus

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa galaya fasax dheer, iyadoo haatan dalka uu ku jiro marxalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Guddoonka Labada Gole oo bayaan soo saaray ayaa ku dhowaaqay in Kafadhiga lixaad ee Baaralamaanka lasoo xiri doono beri oo Axad ah, kuna beegan 22-ka bisha June, waxayna qoraalkooda ku caddeeyeen in xildhibaannada iyo senatorada ay geli doonaan fasax laba bil ah.

Sidoo kale, waxaa isla qoraalka lagu sheegay in Baarlamaanka uu dib isugu soo noqon doonaan 22-ka bisha Agoosto ee sanadkan, markaas oo dib loo sii amba qaadi doono shaqooyinka horyaalla.

“Guddoonka Labada Aqal ee BJFS iyaga oo gudanayo waajibaadka Dastuuriga ah waxay go’aamiyeen in Kalfadiga 6aad ee baarlamaanka 11aad uu xirmayo taariikh 22-ka Juun 2025, dibna u furmo 22-ka Agoosto 2025” ayaa lagu yiri qoraalka labada guddoomiye.

Sidoo kale, xildhibaannada ayaa looga mahadceliyay shaqooyinka ay qabteen Kalfadhigaan, waxaana loo rajeeyay inay nabad iyo caafimaad ku dhameeyaan shaqooyinka u haray.

Fasaxa Baarlamaanka ayaa kusoo aaday, xilli haatan ay jirto xiisad ka dhalatay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, taas oo xittaa saameysay kulamadii xubnaha labada Gole.

Inta badan xildhibaannada ayaa ku milmay siyaasadaha is-diidan, taas oo keentay in kooram la’aan u baaqdaan saddexdii kulan ee ugu dambeysay ee Baarlamaanka.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad adag, waxaana soconayo shirar siyaasadeed oo looga arrinsanayo xiisadda taagan kuwaas oo ay leeyihiin Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.

Si kastaba, Baarlamaanka oo dib isugu laaban doono laba bilood kadib ayaa la filayaa inuu go’aanno ka gaaro shuruuc muhiim u ah doorashooyinka iyo dhameystirka Dastuurka.

- Advertisement -

Read more

Local News