27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Ciidamada DF iyo AUSSOM oo dagaal kula wareegay maanta deegaan muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka AUSSOM oo qaaday howlgal culus ay la wareegeen deegaanka Sabiid iyo Caanoole oo indhowaanahan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa dagaal adag la galay Al-Shabaab, kadibna waxa ay ka faramaroojiyeen deegaankaasi oo ah mid istaraatiiji ah oo u dhow degmada Afgooye.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyada oo mar dambe laga adkaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiisyay dagaalka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay xaaladda deegaanka, wuxuuna sheegay inay si buuxdo gacanta ugu hayaan ciidamada Xoogga iyo kuwa dowladda Uganda ee ku sugan halkaas.

Najax ayaa u hambalyeeyay ciidamada qabtay Sabiid iyo Canoole, isaga oo sheegay inay sii socon doonaan howlgallada xoreynta ee gobolka.

“Marka ugu horreyso waxaan rabaa inaan halkan uga hambalyeeyo ciidamada qaranka iyo saaxibada kale ee ka socda dowlada Uganda ee runtii maanta gacanta ku dhigay, kana sifeeyay deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee degmada Afgooye kooxda Khawaarijta ah oo muddooyinkii ugu dambeeyay shacabka ku dhibaateynaayay halkaasi” ayuu yiri Najax.

Sidoo kale wuxuu ballan qaaday in ka maamul ahaan ay hormuud u noqon doonaan dagaallada Shabeellaha Hoose looga xoreynayo argagixisada, ayna garab siin doonaan ciidamada.

“Annaga haddaa nahay maamulka gobolka waxaan ballan qaadeynaa in geedaha hoostooda iyo meel walbaba aan u tagi doono, aana la howlgeli doono ciidamada” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray dadka deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna u istaagaan sidii gobolka looga saari lahaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Sidaas si lamid ah waxaan rabaa inaan baaq u diro shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Hoose ogaada dalkiinii waxaa jooga ka dagaalamayaa nolol idin diidan koox Khawaarij ah oo weligeeda soo jirtay oo kaliya taqaano is la’iska celiyo” ayuu markale yiri gudoomiyuhu.

Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Shabaab, waxaana badanaa ay kasoo abaabushaa weerarada tooska ah iyo kuwa qaraxyada ay ka fuliso gudaha caasimada waxaase hadda ka socda guluf culus oo looga xoreynayo gobolkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News