Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta sameeyay isbedalo waawayn, kadib wareegto uu soo saaray, taas oo isugu jirto magacaabis iyo xilka qaadis.
Muungaab ayaa Cali Macallin Xuseen u magacaabay Agaasimaha Waaxda Farsamada dhulka Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilkaas laga qaaday Yaasiin Nuur Ciise.
Duqa Muqdisho ayaa Mudane Cali Macallin Xuseen kula dardaarmay in uu dardargeliyo howlaha shaqo ee loo idmaday, gaar ahaan arrimaha dhulka Dowladda Hoose ee Xamar.
Sidoo kale, wareegto kale oo kasoo baxday xafiiska guddoomiye Muungaab ayaa waxaa mas’uuliyiin cusub loogu magacaabay waaxda warfaafinta ee gobolka Banaadir.
Wariye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Warfaafinta ee Gobolka Banaadir, iyada oo xilalkii laga qaaday Xasan Cali Cabdiraxmaan iyo Cabdinaasir Xirsi Iidle.
Sidoo kale Wariye Farxiya Maxamed Yuusuf, ayaa iyadana loo magacaabay madaxa TV-ga ee Waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir.
Wariye Jacfar Maxamed Cali, ayaa isna loo magacaabay Madaxa Idaacada ee Waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhammaan mas’uuliyiinta uu magacaabay u rajeeyay in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee Waaxda Warfaafinta Gobolka Banaadir.
Isbeddelkan ayaa qayb ka ah tallaabooyin dheeraad oo uu haatan wado Muungaab oo horay xilalkii uga qaaday guddoomiyeyaal degmo, isaga oo magacaabay kuwa kale oo cusub oo durbo xilalka la wareegay, waxaana arrintan ay qayb ka tahay qorshihiisa horumarineed ee caasimada.
Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa si dardar leh u shaqeynayey tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana lagu tilmaamay nin aad u garanaya shaqada loo dhiibay iyo hoggaaminta gobolka.
Si kastaba ahaatee, Muungaab ayaa xilkan horay usoo qabtay waxaana guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho loo magacaabay sannadkii 2014, isaga oo intii uu hayay ku guuleystay hirgelinta qorsheyaal dib-u-habeyn ah oo lagu hagaajinayay maamul-wanaagga, nadaafadda magaalada, iyo amniga Muqdisho.
Waxaa kale oo uu horay usoo noqday guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, isaga oo xilligaas caan ku noqday adkeynta sharciga iyo la dagaalanka dambiyada la xiriira amniga qaranka.