Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa lagu soo warramayaa in kulan deg-deg ah ah uu isugu yeeray mas’uuliyiinta maamukaasi, kaas oo looga hadlayo xaaladaha ka jira deegaanada Puntland.
Sida ay ogaatay Caasimada Online kulankan ayaa qabsoomi doono Talaadada todobaadkan, wuxuuna ka dhacayaa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Wararka ayaa intaasi kusii daray in loo yeeray dhammaan guddoomiyeyaasha gobollada iyo kuwa degmooyinka, kuwaas oo lagu wargeliyay inay si buuxdo usoo xaadiraan shirka.
Sida qorshuhu yahay Madaxweyne Saciid Deni ayaa warbixin siin doono mas’uuliyiintan, isaga oo sidoo kale kala hadli doono xaaladda Puntland iyo dagaalka kooxda Daacish.
Waxaa kale oo lasoo warinayaa in suuragal yahay in kulankan ay ka qayb-galaan madax kale oo sar sare, isla markaana lagu soo qaado khilaafka haatan Puntland kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya.
Deni ayaa wada abaabul xooggan, isaga oo haatan diiradda saaraya dagaalka kooxda Daacisha ee buuraha gobolka Bari, kaas oo guullo waawayn ay kasoo hoyeen ciidamada Puntand, waxaa kale oo jira in arrimaha siyaasadda uu karkarinayo, maadaama ay is hayaan Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaare Xamza.
Dhowaan waxaa jirtay Muqdisho ay yimaadeen qaar kamid ah hoggaanka ururada siyaasadeed ee Puntland, kuwaas oo ka qayb-galay gogoshii uu dhigay Madaxweynaha Soomaaliya, xilli uu horay u diiday Madaxweynaha Puntland oo gebi ahaan qaadacay shirarka dowladda dhexe.
Arrimaha ayaa sii xoojinayo xiisadda u dhexeysa labada dhinac, taas oo saameyn toos ah ku yeelatay wada shaqeyntii Garoowe iyo Muqdisho oo gebi ahaanba meesha ka baxday.
Si kastaba ha ahaatee lama sida ay wax noqon doonan waxaase laga war sugayaa natiijada shirarka ka socda Muqdisho iyo Garoowe oo diiradda lagu saarayo arrimaha gudaha dalka.