25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Dalalka Khaliijka oo Trump u soo diray dalab deg deg ah oo ku saabsan Israa’iil

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Riyadh (Caasimada Online) – Wadamada Khaliijka Carabta ayaa ku boorrinaya dalka Mareykanka inuu xakameeyo Israa’iil, xilli ay socdaan weerarada lagu bartilmaameedsanayo barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, ayna soo kordhayaan baaqyada ka imaanaya xubno ka tirsan dowladda Israa’iil ee ku aaddan in xukunka laga tuuro xukunka Tehran.

Sida uu qoray The Wall Street Journal, walaacaasi wuxuu sii xoogeystay toddobaadkan, waxaana isa soo taraysa cabsi laga qabo in Mareykanku uu ku garab siiyo Israa’iil weeraradeeda. In kasta oo wadamada Khaliijku ay ka baqdin qabaan barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, faafinta gantaalaheeda, iyo taageerada ay siiso maleeshiyooyinka gobolka, haddana waxay si isku mid ah uga welwelsan yihiin saameynta taban ee ku imaan karta dhaqaalahooda iyo in Bariga Dhexe mar kale lagu rido iska-hor-imaad hor leh.

Waxaa sidoo kale jira walaac laga qabo dhaqanka sii kordhaya ee Israa’iil ee ku aaddan inay awooddeeda militari ee ballaaran u adeegsato xalinta dhibaatooyinka muddada dheer ka taagan gobolka, halkii ay ka dooran lahayd wada-hadal diblomaasiyadeed.

Madaxweyne Trump ilaa hadda ma muujin wax astaan ah oo uu ku doonayo inuu ku xakameeyo Israa’iil. Ka dib markii uu sanadka intiisa badan ka meeraysanayay xal militari, wuxuu haatan u muuqdaa mid ku faraxsan wax uu arko guusha ay gaareen duqeymihii bilowga ahaa ee Israa’iil. Jimcihii, wuxuu gebi ahaanba iska indha-tiray fikradda ah in cadaadis la saaro Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu si uu u joojiyo weerarada.

“Waxaan aaminsanahay inay aad u adag tahay in codsigaas la jeediyo xilligan,” ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha. “Haddii dhinac uu guuleysanayo, way ka sii adag tahay in taas la sameeyo marka loo eego mid guuldarreysanaya. Laakiin annagu diyaar ayaan nahay, waan dooneynaa, awoodna waan u leenahay, wadahadallo ayaana noo dhexeeyay Iiraan, waana arki doonnaa sida ay wax u dhacaan.”

Iiraan waxaa saaran cadaadis xooggan oo ku qasbaya inay samayso tanaasulaad waaweyn ayna ka harto kobcinta Yuraaniyamka, si loo helo xal diblomaasiyadeed oo lagu soo afjaro iskahorimaadka. Tehran ayaa si isdaba joog ah toddobaadkan u celcelisay inaysan dib u bilaabi doonin wada-xaajoodyada ilaa la hirgeliyo xabbad-joojin rasmi ah. Waxay sidoo kale si kulul uga digtay inay beegsan karto saldhigyada Mareykanka iyo danaha kale ee ku yaal Khaliijka haddii uu Mareykanku kusoo biiro duullaanka.

Israa’iil, oo ay weli damqinayso weerarkii kediska ahaa ee Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023, isla markaana ay weeraro joogto ah kaga imaanayaan maleeshiyooyinka Iiraan ay taageerto sida Xisbullah ee Lubnaan, ayaa wax ka beddeshay aragtideeda amni, iyadoo haatan qaadatay mabda’a ah in halisaha la weeraro ka hor inta aysan soo weynaan.

Saraakiil sar sare oo Khaliijka ah, oo hore u taageeray dadaalladii diblomaasiyadeed ee Trump ee lagu xallinayay is-mari-waaga nukliyeerka Iiraan, ayaa waxaa lama filaan ku noqday wejiga dagaal-doonka ah ee ay xaaladdu yeelatay. Waxay ka walaacsan yihiin in maalgashigii ay ku bixiyeen xiriirka kala dhexeeya Mareykanka, kaasoo si cad u muuqday booqashadii Trump ee gobolka ee bishii hore, uusan miro dhalin oo uusan u tarjumin saameyn siyaasadeed oo dhab ah.

“Ilaa hadda, isfahamkii iyo xiriirkii tooska ahaa ee ay la lahaayeen Iiraan wuxuu ahaa mid wax-ku-ool u ah ka hortagga in colaaddu ku soo fido Khaliijka, laakiin hadda Israa’iil ayaa meesha ka saartay fursaddaas,” ayay tiri Yasmine Farouk, oo ah agaasimaha mashruuca Khaliijka ee xarunta cilmi-baarista Kooxda Caalamiga ah ee Dhibaatooyinka (International Crisis Group). “Waxaa jira aragti mideysan oo ka dhaxaysa wadamada Khaliijka oo ah inay rabaan in dagaalkan la xakameeyo oo la joojiyo.”

Mowqifka wadamada Khaliijka ayaa caqabad ku ah Mareykanka, oo saldhigyo muhiim ah oo dhanka cirka iyo badda ah ku leh dalalkooda. Masuuliyiinta Khaliijka ayaa si cad ugu sheegay dhiggooda Mareykanka iyo Iiraan inaysan sinaba uga qayb qaadan doonin weerarada, aysana oggolaan doonin in hawadooda loo adeegsado duqeymahaas. Bishii Abriil, Sacuudi Carabiya waxay Tehran u dirtay wasiirkeeda gaashaandhigga, Amiir Khaalid bin Salmaan, si uu Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, ugu wargeliyo in boqortooyadu ay si buuxda uga soo horjeedo tallaabo militari oo ka dhan ah barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Khilaafkani waa mid xasaasi u ah Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta. Imaaraatku wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Heshiisyadii Abraham (Abraham Accords) ee xiriirka lagula yeeshay Israa’iil, halka Sacuudiguna uu gabagabo u marayay heshiis la mid ah ka hor intii uusan weerarkii 7-dii Oktoobar curyaamin dadaalladaas.

Awoodahan Khaliijka ayaa sidoo kale horey khasaare ugala kulmay weeraro uga yimid Iiraan iyo xulafadeeda. Sacuudiga ayaa Iiraan ku eedeeyay weerarkii ba’naa ee lagu qaaday xaruntiisa saliidda ee Abqaiq sanadkii 2019, halka Xuutiyiinta Yemen ee Iiraan ay taageerto ay gantaallo iyo diyaarado Drone ah ku garaaceen Imaaraatka sanadkii 2022. Labada dalba waxay taageeraan dhinacyada ka soo horjeeda Xuutiyiinta ee dagaalka sokeeye ee Yemen.

Weeraradaasi waxay iftiimiyeen nuglaanshahooda amni, xilli ay isku dayayeen inay xoogga saaraan kobcinta dhaqaalahooda. Dowladaha Riyadh iyo Abu Dhabi waxay ku guuleysteen inay heshiis xiisad-dejin ah (detente) la gaaraan Iiraan, iyagoo isbarbar wada xiriir dhow oo ay la leeyihiin Mareykanka, waxayna labaduba ka baqayaan in lagu qasbo inay kala doortaan labada dhinac.

“Midkoodna wadamada Khaliijka ma rabo in Mareykanku uu arrintan soo dhex galo,” ayay tiri Farouk. “Hadday taasi dhacdo, waxay ka dhigan tahay in badbaadada taliska Iiraan ay halis galayso. Taasina waxay Iiraan ku qasbi kartaa inay iska illowdo heshiiska xiisad-dejinta oo ay si toos ah wadamada Khaliijka ugu soo darto dagaalka, ama uu Mareykanku sidaas sameeyo isagoo ka dalbanaya inay taageeraan duullaankiisa militari ee ka dhanka ah Iiraan.”

“Arrintani waxay wadamada Khaliijka ku xireysaa gees ciriiri ah,” ayay hadalkeeda kusoo koobtay.

In kasta oo wadamada Khaliijku ay soo dhaweynayaan in la wiiqo awoodda Iiraan, hadal-haynta ku saabsan isbeddel talis waxay dib u xusuusinaysaa dagaalkii Ciraaq iyo fowdadii ka dhalatay burburkii xukuumaddii Saddam Xuseen. Farqiga ugu weyn ee hadda iyo xilligaas u dhexeeya ayaa ah in dagaalku uu ka socdo waddan 90 milyan oo qof ku nool yihiin oo dhinaca kale kaga beegan marin-biyood istiraatiiji ah oo ciriiri ah.

Magaalada Dubai, oo ah mid ka mid ah xarumaha dhaqaale ee ugu firfircoon caalamka kuna taal Gacanka Faaris, waxay wax ka yar 100 mayl u jirtaa dhul-weynaha Iiraan.

Dhowaanshahaas juqraafiyeed ayaa abuuraya walaac ku saabsan khasaaraha deegaanka iyo dhaqaalaha ee uu keeni karo dagaalku. Gobolkan oo ah saxare ayaa nolosha biyaha u cabbo ka helaa macaaneynta biyaha badda ee Khaliijka, kaasoo sidoo kale ah isha laga dhoofiyo inta badan saliidda iyo gaaska adduunka, iyo marin muhiim u ah maraakiibta xamuulka.

Baxrayn ayaa diyaarinaysa tobanaan goobood oo lagu magan galo xaaladaha degdegga ah, halka Golaha Iskaashiga Khaliijka (Gulf Cooperation Council) uu hawlgeliyay Xaruntiisa Maareynta Xaaladaha Degdegga ah (Emergency Management Center) ee Kuwait si ay ula socoto heerarka shucaaca.

Iyadoo madaxa hay’adda tamarta atamka ee Qaramada Midoobay uu ka digay khataraha amni ee ka dhalan kara weerarada lagu qaado xarumaha nukliyeerka, ayay khubaro kale sheegayaan in halista shucaac ka faniina xarun sida Fordow ee Iiraan ay yar tahay.

Israa’iil weli ma aysan weerarin xaruntan, oo ku dhex aasan buur hoosteeda, taasoo khubarada militarigu ay isku raacsan yihiin inaysan gaari karin bambooyinka caadiga ah, marka laga reebo kuwa ugu awoodda badan. Waxaa loo arkaa inay noqon doonto bartilmaameedka koowaad ee ciidanka Mareykanka iyo bambooyinkiisa dhulka dusiya (bunker busters) haddii uu Mareykanku go’aansado inuu dagaalka ku biiro.

Trump wuxuu ku baaqay in Iiraan ay isku dhiibto shuruud la’aan, wuxuuna si hoose u meel mariyay qorshayaal weerar, balse wuu dib u dhigayaa si uu u arko bal in Iiraan ay ka laaban doonto hamigeeda nukliyeerka. Ciidanka Mareykanka ayaa sii wada daabulidda ciidamada iyo agabka dagaal ee Yurub iyo goobaha u dhow Bariga Dhexe, kuwaasoo ay ka mid yihiin diyaaradaha shidaalka, maraakiibta dagaalka ee difaaca gantaalada, guuto labaad oo ah maraakiibta diyaaradaha xambaara, iyo diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee F-22.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, ayaa Arbacadii sheegay in Mareykanku uu xoojinayo nidaamyadiisa difaaca ee Bariga Dhexe. Tani waa arrin si weyn looga fiirsanayo, maadaama weerar uu Mareykanku ku qaado xarunta Fordow ay Tehran ku dhiirigelin karto inay si aargoosi ah u weerarto ciidamada iyo danaha Mareykanka.

Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in Mareykanku uu qaar ka mid ah agabkiisa militari ee dheeraadka ah u daabulayo Yurub, maadaama saldhigyada ku yaal wadamada Khaliijka ay yihiin kuwo ay si fudud u gaari karaan gantaalada Iiraan.

“Waxaa jira noocyo badan oo gantaallo ah oo si gaar ah loogu farsameeyay in lagu garaaco saldhigyada Mareykanka,” ayuu yiri Fabian Hinz, falanqeeye militari oo ka tirsan Machadka Caalamiga ah ee Daraasaadka Istaraatiijiyadeed (International Institute for Strategic Studies). “Dhinaca Mareykanka, su’aashu waxay noqonaysaa: ma iska joogaysaa Khaliijka, mise waxaad u guuraysaa meel ka baxsan aagga halista si aad marka hore u burburiso awoodda hubka ee cadowga?”

- Advertisement -

Read more

Local News