Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay weerarradii Maraykanku ku qaaday Iiraan “guul milateri oo cajiib ah,” khudbad uu jeediyay habeenimadii Sabtida, isagoo sidoo kale ka digay in weerarro kale ay imaan karaan haddii “nabadi degdeg u imaan weyso.”
Maraykanku waxa uu bartilmaameedsaday saddex ka mid ah goobaha Nukliyeerka Iiraan: Fordow, Natanz iyo Isfahan, kuwaas oo ah udub-dhexaadka kaabayaasha nukliyeerka Iiraan. Khudbaddiisa, Trump waxa uu sheegay in goobahaas “si buuxda oo dhammaystiran loo burburiyay.”
“Iiraan, oo ah gardarrada Bariga Dhexe, waa in ay hadda nabad samayso,” ayuu yiri isagoo ka hadlaya Aqalka Cad. “Haddii ay taasi dhici weydo, weerarrada mustaqbalka waxay noqon doonaan kuwo aad uga waaweyn oo aadna uga sahlan.”
Go’aanka Trump ee lagu duqaynayo goobaha nukliyeerka Iiraan ayaa ahaa isbeddel lama filaan ah oo ku yimid diidmadii muddada dheer ee madaxweynaha ee ku aaddanayd inuu ku lug yeesho colaadaha shisheeye—iyo hadalkii Aqalka Cad ee laba maalmood ka hor.
Aqalka Cad ayaa Khamiistii sheegay in madaxweynuhu uu go’aan ka gaari doono weerarrada “labo toddobaad gudahood,” taas oo u muuqatay inuu dib u dhigayo tallaabada milateri. Jimcihii, Trump waxa uu sharraxay sababta uu u qaatay muddada labada toddobaad ah, isagoo sheegay inuu sugayay “in dadku ay caqli yeeshaan iyo in kale.”
Isagoo Jimcihii u safrayay halka lagu cayaaro golf-ka ee New Jersey, Trump waxa uu kala saaray mucaaradadiisa ku wajahan dagaalkii Maraykanka ee Ciraaq iyo tallaabada suurtagalka ah ee Iiraan. “Waxaan u malaynayaa dhowr toddobaad gudahood, ama hubaal dhowr bilood gudahood, inay awood u yeelan doonaan inay helaan hub nukliyeer ah,” ayuu u sheegay suxufiyiinta. “Taas ma ogolaan karno inay dhacdo.”
La-taliyayaasha Trump ayaa ku adkaystay in inkasta oo madaxweynuhu aanu doonayn in Maraykanku uu ku lug yeesho colaad kale, haddana uu ku adkaysanayay in Iiraan aanay yeelan karin awood nukliyeer ah.
Farriintooda waxaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyay shakhsiyaad caan ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Trump ee “Make America Great Again,” kaas oo ku kala qaybsanaa arrinta madaxweynaha ee tallaabada milateri. Aqalka Cad ayaa la xiriiray dhaqdhaqaaqayaal saameyn leh sida Charlie Kirk si ay ugu qanciyaan weerarrada suurtagalka ah, sida uu horay u soo tebiyay wargeyska The Wall Street Journal.
Kahor khudbaddii Trump ee Sabtida, Kirk waxa uu bartiisa X soo dhigay, “Marka Trump hadlo, waa inaad dhageysataa,” isagoo ku daray qoraal Trump uu soo dhigay 2011 kaas oo ku tilmaamaya raadinta Iiraan ee hubka nukliyeerka “khatar weyn oo ku ah danaha amniga qaranka ee dalkeenna.”
Trump waxa kale oo uu qado la qaatay Khamiistii Steve Bannon, oo ah la-taliye hore oo ka soo horjeeda faragelinta milateri, waxaana uu sheegay inuu la hadlay Tucker Carlson, oo ah shakhsi caan ah oo hore uga tirsanaa Fox News, ka dib markii Israa’iil bilowday weerarradeeda, ku eedeeyay Trump inuu “ku lug lahaa ficilka dagaalka.”
“Taageerayaashaydu maanta aad ayay ii jecel yihiin sidii ay doorashadii horeba ii jeclaayeen,” ayuu yiri Trump horraantii toddobaadkan.
Ka dib markii uu muddo sanadka intiisa badan ku dadaalayay xal diblomaasiyadeed oo lagu dhameeyo barnaamijka nukliyeerka Iiraan, Trump ayaa dhawaan sare u qaaday hadalkiisa ka dhanka ah Iiraan, isagoo ku baaqay is-dhiibitaan shuruud la’aan ah isla markaana soo jeediyay in Maraykanku uu ogyahay goobta uu ku sugan yahay Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Ali Khamenei laakiin aanu dilayn, “ugu yaraan hadda.”
La-taliyeyaasha ayaa sheegay in Trump uu ku soo gebagebeeyay in heshiis diblomaasiyadeed oo lala galo Iiraan ay u muuqato mid sii adkaanaysa. Markii ay Israa’iil weerarro ku qaadday Iiraan, wuxuu si dhow ula safnaa baaqa Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ee ku aaddan burburinta goobaha nukliyeerka Iiraan.
Ka dib weerarradii Sabtida, Trump waxa uu sii watay hadalkiisii dagaal-doonka ahaa. “Waxaa jiri doona nabad ama waxaa Iiraan ka dhici doona masiibo, taas oo aad uga weyn intii aan ku aragnay siddeedii maalmood ee la soo dhaafay,” ayuu yiri.