26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta ka dagay Garoowe + Xogta qorshaha socda

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goordhow ka degay garoonka diyaaradaha Garoowe, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay dhiggiisa Puntland, Saciid Cabdullahi Deni.

Labada madaxweyne oo haatan wajahaya duruuf isku mid ah oo ka dhalatay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka ayaa lagu wadaa inay kulamo xasaasi ah ku yeeshaan magaalada Garoowe, iyaga oo dib usoo celinaya isbahaysigoodii siyaasadeed ee hore.

Qorshaha ugu wayn ee Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ah in la sii adkeeyo xiriirka labada dowlad-goboleed iyo in la iska kaashado arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka doorashooyinka ee soo jiitamaya iyo xaaladda guud ee amniga dalka.

Wadahadallada la qorsheeyay ayaa la rajeynayaa inay sare u qaadaan iskaashiga labada dhinac, dibna ay u dhisaan kalsoonida siyaasadeed iyo in wax looga qabto caqabadaha baaxadda leh ee horyaalla nidaamka federaalka Soomaaliya.

“Kulanka Madaxweyne Madoobe iyo Madaxweyne Deni waa mid muhiimad gaar ah u leh is-waafajinta istaraatiijiyadaha gobollada iyo in laga yeesho aragti mideysan arrimaha waaweyn ee qaranka,” waxaa sidaa u sheegay Caasimada Online sarkaal ka tirsan Puntland oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Labada hoggaamiye waa xulafo soo jireen ah oo u ololeeya nidaam federaali ah oo awoodda la baahiyo, waxaana iskaashigooda loo arkaa mid culeys siyaasadeed ku keeni kara dadaallada awood-urursiga ah ee ay dowladda dhexe ka waddo Muqdisho.

Axmed Madoobe iyo Siciid Deni, labaduba, waxay si isdaba-joog ah u dhaliileen maamulka Madaxweyne Xasan, iyagoo ku tilmaamay mid wada go’aanno aan lagala tashan oo kor laga keenay, kuwaasoo meesha ka saaraya codka iyo aragtiyaha maamul-goboleedyada.

Falanqeeyayaasha siyaasadda waxay tilmaamayaan in kulankani uu gacan ka geysan karo abuurista aragti mideysan oo ku aaddan habraacyada doorashooyinka, isla markaana uu xoojinayo baaqa loo jeedinayo hannaan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay, kuna dhisan is-afgarad.

Sidoo kale, labada maamul-goboleed waxaa ka dhaxeeya walaac amni oo qoto dheer. Puntland iyo Jubaland waxay labaduba xuduud la wadaagaan goobo ay colaado ka oogan yihiin, waxayna safka hore kaga jireen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida iyo kooxda Daacish.

Si kastaba, Xilliga ay booqashadani ku soo aadday ayaa hoosta ka xarriiqaysa sida ay muhiim ugu tahay xaaladda taagan. Soomaaliya waxay wajahaysaa isku-dhaf caqabado ah oo isugu jira fadhiidnimo siyaasadeed, amni-darro, iyo dhibaatooyin bani’aadannimo.

- Advertisement -

Read more

Local News