Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in berri uu Madaxweyne Xasan Sheekh Muqdisho kula shiro xubnaha mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan shaaciyey inay aqbaleen casuumaada Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in xubnaha mucaaradka ah qaar ay qabaan in la kulanka Xasan Sheekh ka hor ay tagaan Garowe, kuna biiraan wadahadalka halkaas uga socda Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.
Qodobada ay mucaaradku kala hadlayaan Xasan Sheekh waxaa kamid ah wax ka bedelka ku socda dastuurka, waxaana u qorsheysan in Madaxweynaha ay ku xujeeyaan in dastuurkii hore uu u laabto, sida aan xogta ku heyno.
Sidoo kale, mucaaradka ayaa doonaya inay dalbadaan in la kala diro guddiga doorashooyinka oo kalsooni darro weyn ay ka qabaan, sidoo kale Xasan Sheekh ay ka dhaadhiciyaan inuu qabto doorashooyin heshiis lagu yahay.
Xubnaha Madasha Samatabixinta ayaa sidoo kale Madaxweynaha hordhigi doona xujo ah inuu keeno Puntland iyo Jubbaland oo mar hore uu xiriirkooda lumiyey, si looga wadahadlo heshiisna looga gaaro arrimaha doorashooyinka.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee madashaan ku midoobay ayaa saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ku yeeshay kulamo is dabajoog ah, waxayna ugu dambeyn xalay go’aan ku gaareen in qodobo ay igu mihiimsan yihiin kuwaan ay ula tagaan Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaaminaya mucaaradka oo kulamadii ugu dambeeyey ku yeeshay guriga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho.
Mucaaradka oo horay u diiday gogoshii Madaxweynaha ee Muqdisho lagu qabtay ayaa hadda ogol inay Xasan Sheekh la yeeshaan kulan uu ka dalbaday gogoshii kadib.
Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya in mucaaradkiisa uu ku qanciyo in dalkaan ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, maadaama ayaguba ay cadeeyeen in doorasho dadban in loo noqdo aysan dooneyn.
Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo Garoowe ku shiraya ayaa dhankoodu ku howlan inay soo saaraan bayaan rasmi ah oo muujinaya inay awoodooda mideeyeen, isla markaana ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sida ay wax u doonayaan.