Nairobi (Caasimada Online) – 16 qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyo ka dhan ah dowladda oo Arbacadii ka dhacay guud ahaan Kenya, kuwaas oo intooda badan ay dileen booliska, sida uu sheegay madaxa hay’adda Amnesty Kenya.
Rabshadahan ayaa ku soo beegmay sannad kaddib markii mudaharaadyo looga horjeeday sharciga canshuuraha ay ku dhammaadeen weerar lagu qaaday xarunta baarlamaanka.
Kumanaan Kenyan ah ayaa dibadbaxyo ka dhigay waddooyinka si ay u xusaan sanad-guuradii mudaharaadyadii sannadkii hore, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 60 qof, iyadoo booliska ay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo biyo xoog leh ku kala eryayeen dibadbaxayaasha caasimadda Nairobi, sida ay sheegeen warbaahinta maxalliga ah iyo goobjooge ka tirsan Reuters.
Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa la galay iska hor-imaad booliska, waxaana lix iyo toban qof si rasmi ah loo xaqiijiyay inay dhinteen ilaa 8:30 fiidnimo, sida uu u sheegay Reuters agaasimaha fulinta ee Amnesty Kenya, Irungu Houghton, isagoo xusay in tirakoobkaasi ay si wadajir ah u xaqiijiyeen hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah iyo Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (Kenya National Commission on Human Rights – KNCHR).
“Intooda badan waxaa dilay booliska,” ayuu yiri Houghton, isagoo intaas ku daray in ugu yaraan shan qof si toos ah loo toogtay.
KNCHR, oo ah hay’ad dowladda maalgeliso, ayaa hore u sheegtay in siddeed dhimasho laga soo weriyay meelo kala duwan oo dalka ah, dhammaantoodna ay la xiriiraan “dhaawacyo kasoo gaaray rasaas toos ah”.
“In ka badan 400 dhaawac ayaa la diiwaangeliyay, kuwaas oo ay ku jiraan dibadbaxayaal, saraakiil boolis ah iyo suxufiyiin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed uu guddigu ku baahiyay boggiisa rasmiga ah ee X (hore Twitter).
Guddiga xuquuqda ayaa sidoo kale xusay in boolisku si ballaaran ugu sugnaayeen waddooyinka, iyadoo ay jiraan “eedo sheegaya in la adeegsaday awood xad-dhaaf ah, oo ay ku jiraan rasaas toos ah, xabo caag ah iyo biyo xoog leh, taasoo sababtay dhaawacyo badan”.
“Waxaan u banaanbaxaynaa rabshadaha booliska, cadaadiska dowladda, canshuurta sareysa iyo dhammaan wixii ka qaldamay dalka,” ayuu yiri Anthony oo ah 25 jir sidoo kalena ka ganacsanayay calamada Kenya, balse diiday inuu sheego magaciisa oo buuxa.
Dowladda ayaa amartay idaacadaha iyo telefishinada inay hakiyaan baahinta tooska ah ee dibadbaxyada, kuwaas oo kusii baahay magaalooyin kale oo ka baxsan caasimadda sida magaalada dekedda leh ee Mombasa.
NetBlocks, oo ah hay’ad caalami ah oo la socota internet-ka, ayaa sheegtay in xaddidaad lagu soo rogay baraha bulshada sida Telegram.
“Waxaan halkan u joognaa inaan nahay jiilkii dhalinyarada ahaa. Waxaan rabnaa isbedel dhab ah oo nidaamka ah. Nidaamku waa qaldan yahay, nidaamku waa musuq,” ayay tiri Florence Achala oo ka mid ahayd dibadbaxayaasha Nairobi.
– ‘Mooryaanta’ –
Waxaa sii kordhaysa caro ka dhalatay xadgudubyada booliska, gaar ahaan kaddib markii macallin dhawaan lagu dilay isagoo gacanta booliska ku jira.
Kooxo dibadbaxayaal nabadeed ah ayaa toddobaadkii hore lagu weeraray koox mootooyin watay oo loo yaqaan “Mooryaan” kuwaas oo ku hubeysnaa ulo iyo karbaashyo, isla markaana lala xiriiriyay inay is kaashanayeen booliska.
Safaaradaha waddamada reer Galbeedka ee Kenya ku yaalla sida Britain, Jarmalka iyo Maraykanka ayaa bayaan wadajir ah oo ay soo saareen ku cambaareeyay isticmaalka “Mooryaan la kireystay” oo loo adeegsaday inay gudaha u galaan ama carqaladeeyaan isu imaatinka nabadda ah.
Inkasta oo aan mooryaanta si cad loo arkin Arbacadii shalay, haddana booliska ayaa isticmaalay sun badan oo dadka ka ilmeysiisa iyo biyo xoog badan oo ay kula dagaallameen dibadbaxayaasha.
Qareen siyaasadeed Javas Bigambo ayaa sheegay inuu ka walwalsan yahay in kooxaha siyaasadda ay ka faa’iideystaan xiisadda taagan si ay colaadda u sii huriyaan.
“Ma jirto wax wanaagsan oo laga xusi karo dhacdooyinkii sannadkii hore,” ayuu yiri. “Haddii aan daacad ka nahay inaan xusno 25-ka Juun, waa inay noqotaa xus xasiloon, duco iyo is-xakameyn leh.”
– Niyadjab –
Waxaa sii xoogaysanaysa niyadjabka laga qabo Madaxweyne Ruto oo talada qabtay sannadkii 2022 isagoo ballanqaaday horumar dhaqaale oo degdeg ah.
Dad badan ayaa ka niyad jabsan isbeddel la’aanta sii socota, musuq-maasuqa iyo canshuurta sareysa, xitaa kaddib markii mudaharaadyadii sannadkii hore ay ku qasbeen Ruto inuu ka laabto sharciga dhaqaalaha ee aan laga helin shacabka.
Dowladdiisa ayaa sanadkan isku dayaysay inay iska ilaaliso canshuur kordhin toos ah. Si kastaba ha ahaatee, maqnaanshaha soo noqnoqda ee dhaleeceeyaasha dowladda—iyadoo ururada xuquuqda aadanuhu ay tirinayaan in ka badan 80 qof oo weli la la’yahay—ayaa horseeday eedeymo sheegaya in Ruto uu Kenya ku celiyay xilligii madoobaa ee kaligii-talisnimada 1980-meeyadii iyo 1990-meeyadii.
Ruto ayaa horey u ballanqaaday inuu joojinayo afduubka, balse hadal uu jeediyay Talaadadii wuxuu si aan ka leex-leexad lahayn u sheegay inuu “garab taagan yahay” booliska.