Washington (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, John Ratcliffe, ayaa sheegay Arbacadii in xog sirdoon oo lagu kalsoon yahay ay muujinayso in barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan uu soo gaaray “waxyeello ba’an” kadib duqeymihii cirka ee uu Mareykanku fuliyey dhowaan, iyo in dhowr goobood oo muhiim ah “la burburiyey.”
Qiimeyn horudhac ah oo ay samaysay Hay’adda Sirdoonka Difaaca (Defense Intelligence Agency) oo Talaadadii la dusiyey ayaa lagu ogaaday in duqeyntii Mareykanka ee saddexda goobood ee nukliyeerka Iiraan ay suuragal tahay in barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas ay dib u dhigtay oo keliya dhowr bilood, taasoo ah saameyn ka kooban intii uu Madaxweyne Donald Trump sheegay kadib weerarada.
Khasaaraha dhabta ah ee la gaarsiiyey xarumaha nukliyeerka Iiraan iyo jiritaanka barnaamijkeeda ballaaran ayaa noqday arrimo siyaasadeysan oo xasaasi ah, iyadoo Trump iyo xulafadiisu ay cambaareeyeen faafinta warbixinta DIA-da iyo warbaahintii ka hadashay. Xildhibaannada Dimoqraadiga ayaa ku eedeeyay Aqalka Cad in laga yaabo inay buunbuuninayaan saameynta duqeymaha.
Ratcliffe wuxuu bartiisa bulshada ku sheegay in natiijooyinka CIA-da ay ku saleysan yihiin “xog sirdoon oo lagu kalsoon yahay” ayna ka hor imanayaan waxa uu ugu yeeray “warbixinno si sharci-darro ah lagu helay oo la baahiyey oo ku saabsan burburinta xarumaha muhiimka ah ee nukliyeerka Iiraan.”
Ratcliffe wuxuu soo xigtay sirdoon cusub “oo laga helay ilo/hab taariikh ahaan lagu kalsoonaa oo sax ahaa, kaasoo xaqiijinaya in dhowr xarun oo muhiim ah oo nukliyeerka Iiraan ah la burburiyey, dibna u dhisiddoodu ay qaadan doonto sannado badan.”
Tulsi Gabbard, oo ah agaasimaha sirdoonka qaranka, ayaa soo bandhigtay qiimeyn tan la mid ah horaantii maalintaas.
Khubarada xakameynta hubka iyo saraakiil hore oo sirdoon ayaa sheegaya in Iiraan ay dib u soo nooleyn karto barnaamijkeeda nukliyeerka xitaa haddii aysan jirin saddexda goobood ee la beegsaday, haddii ay ku guuleysato inay badbaadiso keyd ku filan oo ah Yuraaniyam heer sare ah loo nafaqeeyey (highly enriched uranium) iyo qalabka casriga ah ee loo yaqaan ‘centrifuges’.
Madaxa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka tamarta atoomikada, Rafael Grossi, ayaa Arbacadii ka sheegay magaalada Vienna inay suuragal tahay in Iiraan ay weli haysato keyd ah Yuraaniyam heer sare ah loo nafaqeeyey, inkastoo ay jireen duqeymo cirka ah oo Israa’iil wadey muddo 12 maalmood ah iyo weeraradii cirka ee Mareykanka ee dhammaadkii usbuuca. Waxaa laga yaabaa in Tehran ay rartay Yuraaniyamka isla markiiba kadib duqeymihii ugu horreeyay ee Israa’iil, ayuu yiri Grossi.
Kahor inta uusan Ratcliffe soo saarin bayaankiisa, Trump wuxuu ku gacan sayray qiimeynta DIA-da isagoo ku tilmaamay mid aan dhameystirnayn oo degdeg lagu sameeyey, wuxuuna si isdaba joog ah u sheegay in goobihii nukliyeerka Iiraan iyo barnaamijkeediiba “gebi ahaanba la tirtiray.”
Hay’adda DIA waxay ku calaamadisay qiimeynteeda horudhaca ah inay tahay mid “kalsooni yar,” sida ay sheegeen saddex ilo-wareed oo arrintan la socday.
Falanqeeyayaasha sirdoonka ayaa caadi ahaan soo bandhiga natiijooyinkooda iyagoo adeegsanaya heerar kalsooni oo kala duwan, taasoo ku xiran tayada iyo isku halleynta xogta la hayo.
Qiimeynta horudhaca ah ee DIA waxay ku saleysneyd natiijooyin la helay habeenimadii Axadda, qiyaastii 24 saacadood kadib duqeyntii Mareykanka ee ka dhanka ahayd saddexda xarun ee nukliyeerka Iiraan, sida uu sheegay mid ka mid ah ilo-wareedyada.
Qiimeyn buuxda oo lagu ogaanayo khasaaraha dagaalka ayaa weli socota, sida warbixintu intaas ku dartay, waxayna qaadan doontaa maalmo illaa toddobaadyo in la soo gabagabeeyo, sida uu sheegay mid ka mid ah ilo-wareedyada.
Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, oo kula hadlayey weriyeyaasha shir madaxeedka NATO ee ka socday Netherlands, ayaa sheegay in qiimeynta DIA lagu asteeyey “kalsooni yar” sababtoo ah caddeynta waxa la duqeeyay “waxay ku aasan tahay buur hoosteed, waa la burburiyey waana la tirtiray.”
Warbaahinta NBC News ayaa Talaadadii werisay in qiimeynta horudhaca ah ay muujisay in duqeymuhu ay u badan tahay inay dib u dhigeen barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan muddo saddex illaa lix bilood ah, laakiin aysan si kama dambeys ah u burburin barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan sida uu Trump ku adkeystay.
Warbixinta sirdoonka ee horudhaca ah ma muujineyso in dhammaan keydkii Iiraan ee Yuraaniyamka heerka sare loo nafaqeeyey la burburiyey ama la helay, waxaana weli jira su’aalo ku saabsan qalabka casriga ah ee Iiraan ee loo yaqaan ‘centrifuges’, kuwaas oo aan laga helin goobihii nukliyeerka ee ay duqeeyeen diyaaradaha Mareykanka, sida ay NBC News sidoo kale werisay Talaadadii.
Guddiga Tamarta Atoomikada ee Israa’iil (Israeli Atomic Energy Commission) ayaa Arbacadii sheegay in duqeynta Mareykanka ay “ka dhigtay mid aan shaqeyn karin” xarunta bacriminta ee dhulka hoostiisa ku taalla ee Fordo.
“Waxaan qiimeyneynaa in duqeymaha Mareykanka ee xarumaha nukliyeerka Iiraan, oo lagu daray duqeymihii Israa’iil ee qaybaha kale ee barnaamijka nukliyeerka militariga ee Iiraan, ay sannado badan dib u dhigeen awoodda Iiraan ee horumarinta hubka nukliyeerka,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay guddiga.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in “guushan ay usii jiri karto si aan xad lahayn haddii Iiraan aysan helin agab nukliyeer.”