25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

SOMALILAND oo ‘safiir’ u magacowday dalka Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa loo magacaabay “safiirka cusub ee dalkaas u fadhin doona” dalka Kenya.

Magacaabistiisa ayaa timid ku dhowaad bil kadib markii madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu booqasho ku tagay dalka Kenya, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madax kala duwan oo uu ku jiro Madaxweyne William Ruto.

Dr. Cumar ayaa xilka kala wareegaya Maxamed Maxamuud.

Isbeddelkan ayaa salka ku haya isbeddelka hoggaanka ee ka dhashay doorashadii Somaliland ka dhacday bishii November 2024, taasoo uu Madaxweyne Biixi kaga guuleystay Cabdiraxmaan Cirro.

Magacaabista Dr. Cumar ayaa loo arkaa inay Somaliland kor ugu qaadayso dadaallada ay ku doonayso inay ku sii xoojiso xiriirka u dhexeeya Nairobi iyo Hargeysa. Si kastaba, Kenya ma aqoonsana safiir Somaliland, balse waxay maamulka Hargeysa ka aqbashay in ay xafiis wakil ku yeelato Nairobi.

Dr. Cumar waxa uu sidoo kale horey usoo noqday Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga.

Magacaabistiisan ayaa sidoo kale ka dhigaysa inuu noqdo wasiirkii arrimo dibadeed ee ugu horreeyay ee loo magacaabo xil safiirnimo.

Imaanshaha uu imaanayo Nairobi ayaa la filayaa inay gacan ka geysato xoojinta iskaashiga, nabadeynta, iyo barwaaqada gobolka, sida ay sheegtay Somaliland.

Xilligii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Cumar waxa uu horseed ka ahaa dadaallo lagu xoojiyay dublamaasiyadda iyo iskaashiga dhaqaale ee Somaliland.

Waxa si gaar ah loogu xasuustaa inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay wada-hadalladii taariikhiga ahaa ee siyaasadeed ee dhexmaray Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya sannadkii 2012, kaddib in ka badan labaatan sano oo xiriirku go’naa.

Tobankii sano ee lasoo dhaafay, Dr. Cumar waxa uu ahaa dhex-dhexaadiye sare oo ka tirsan Xarunta Dhexdhexaadinta Arrimaha Bani’aadannimada (Centre for Humanitarian Dialogue – CHD) oo fadhigeedu yahay Geneva, isagoo diiradda saarayay xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee Geeska Afrika.

Waxa uu sidoo kale macallin kasoo noqday Jaamacadda Brunel iyo Machadka Waxbarashada ee Jaamacadda London (Unvisersity of London), wuxuuna sii wadaa inuu isku xiro aragtiyihiisa aqooneed iyo dublamaasiyad wax-qabad leh si uu u horumariyo iskaashiga caalamiga ah.

Khibaradda Dr. Cumar ayaa udub-dhexaad u ahayd kobcinta nabadda iyo abuurista xalal waara oo lagu wajaho caqabadaha adag ee gobolka.

Waayihiisa shaqo ee hodanka ah waxaa ka mid ah in uu kasoo shaqeeyay dhinacyada dublamaasiyadda, siyaasadda, dhexdhexaadinta, iyo tacliinta, iyo qaybo kale.

Waxa uu shahaadada PhD-da ka qaatay cilmiga Dhaqaalaha Siyaasadda Caalamiga ah (International Political Economy) ee dalka UK.

Somaliland, oo in ka badan 30 sano ka hor ka go’day Soomaaliya inteeda kale, ayaa muddo dheer ku taamaysay in loo aqoonsado dal madaxbannaan, tallaabadaas oo tobannaan sano ahayd isha khilaafka iyo xiriirka aan wanaagsanayn ee labada dhinac

 

- Advertisement -

Read more

Local News