25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

A/Madoobe oo shaaciyay sababta ka dambeysa inuu markale la heshiiyo DENI

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaciyay sababta ka dambeysa in uu dib ula heshiiyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni, oo ay kala furteen kadib doorashadii uu kusoo baxay Xasan Sheekh.

Axmed Madoobe oo shalay galinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa sheegay in khilaafkii kala dhaxeeyay Saciid Deni uu meesha uga saaray si ay ugu jiheystaan wax ugu yeeray “samatabixinta Soomaaliya”.

Madoobe oo kulamo siyaasadeed Garoowe kula qaatay dhiggiisa Puntland ayaa tilmaamay inuu muddo dheer taagnaa khilaaf kala dhexeeyey Madaxweyne Deni, balse ay haatan heshiiyeen, iyaga oo u jeesanaya samatabixinta Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ku faraxsanahay kala maqnaansho iyo kala fikir duwanaansho muddo soo jirtey inaan maanta dib isugu soo noqonay doodo dheer kadibna aan walaalkay waxbadan ka heshiinay,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa noo muuqatay marxaladda Soomaaliya maanta marayso iyo waxa ay u baahan tahay oo ah samatabixin.”

Labada hoggaamiye ayaa dhawaan mowqif adag ka qaatay dowladda dhexe, iyagoo si cad u sheegay in aanay ku metalin go’aannada masiiriga ah ee la gaarayo, maadaama aanay qayb ka ahayn oo ay mar hore xiriirka u jareen Villa Somalia.

“Dowladaha Jubaland iyo Puntland waxay ku heshiyeen in ay u midoobaan, meelna ay uga soo wada jeestaan sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd dowladnimo dhammeystiran oo ku dhisan hannaanka federaaliga ah, dimuquraadi ah oo nabadna ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wada jir usoo saareen labada maamul.

Si kastaba, labada maamul ayaa haatan dib u midoobay, iyagoo ku heshiiyay in meel uga soo wada jeestaan sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd isku filnaan iyo in la helo hannaan lagu xoojinayo nidaamka federaalka ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News