25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xasan Sheekh oo dhambaal u direy Geelle, una xaqiijiyay hal arrin

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, shacabka iyo dowladda Jabuuti.

Dhambaalkan oo ku aadanaa munaasabadda xuska 47-aad ee xorriyadda Jabuuti ayaa Madaxweynuhu wuxuu ku xusay in halgankii gobanimada Jabuuti uu muujiyey awoodda iyo wax wada-qabsiga dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey doorka muhiimka ah ee Jabuuti ay ka qaadatay taageerada shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan intii lagu jiray marxaladaha adag ee dalka soo maray.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah uga go’an tahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee walaaltinimo, derisnimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jabuuti, taasoo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka iyo Dowladda Jabuuti u rajeeyay horumar, midnimo, iyo nabad waarta, waxa uuna muujiyey in Soomaaliya iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo walaalo ah oo wadaaga dano, dhaqan iyo himilooyin fog.

Shacabka iyo Dowladda Jabuuti ayaa maanta si weyn ugu dabaal-degay maalinta xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ee 27-ka Juun oo ku beegan 47-sano ka hor markii ay ka xoroobeen gumeystihii Faransiiska.

- Advertisement -

Read more

Local News