Balcad (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal qaraar oo maanta ka dhacay aagga degmada Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo u dhexeeyay ciidamada HirShabelle, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay jinka wabiga, gaar ahaan deegaanka Bacaadley, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac, waxaana jiro khasaare isugu jiro dhimasho dhaawac.
Jaylaani Faroole oo kamid ah saraakiisha deegaanka ee horkaceysay dagaalka ayaa sheegay in guullo waawayn ay ka gaareen, isla-markaana Al-Shabaab ay ka saareen deegaannada kala ah Bacaadley, Boodaale iyo Jilaaley oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ujeedkooda uu ahaa inay ka hortagaan Al-Shabaabka soo galay Xawaadley, oo maalmihii u dambeeyay dhaq-dhaqaaq ka bilaabay halkaasi.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in ay sii wadi doonaan gulufkooda, welina ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku sugnaa saddexda deegaan ee la xoreeyay.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidanka HirShabelle iyo kuwa dadka deegaanka ee la baxay Afjar, kuwaas oo ka howlgala aagga Xawaadley.
Dhowaan ayay ahayd markii degmada Xawaadley ay la wareegeen Al-Shabaab, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada Burundi iyo kuwa dowladda ee ku sugnaa halkaasi.
Si kastaba, Qabashada deegaannadan cusub ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan ay dib u kabasho deg-deg ah sameynayaan ciidamada, waxaana Khamiistii ay la wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud & deegaanka u dhow Geelgub ee isla Shabeellaha Dhexe.
Waxaa kasii horreeyay oo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AUSSOM ay iyaguna la wareegeen deegaanka Sabiid iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo kamid ah meelaha ay soo galeen Al-Shabaab, waxaase ugu dambeyn looga saaay dagaal culus.