Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah oo la xiriirta dagaalka culus ee ka qarxay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, kaas oo u dhexeeyay Booliska iyo maleeshiyaad hubeysan.
Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in dowladda dhexe ay la xisaabtami doono cid kasta oo ka dambeysa dagaalka iyo kuwa weli sii hurinayo colaada ka taagan Caabudwaaq.
Sidoo kale wuxuu fariin waxgaad deegaanka, isaga oo ugu baaqay inay u istaagaan ilaalinta nabadda, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara inuu dhiig kale daato.
Dhinaca kale wuxuu ku adkeeyey hay’adaha amniga gobolka iyo Galmudug in ay si dhow uga wada shaqeeyaan nabadaynta iyo joojinta colaadda deegaanka ka soo cusboonaatay.
Xaaladda Caabudwaaq ayaa weli qasan, kadib markii shala magaaladaas uu ka qarxay dagaal uu ku daatay dhiig badan, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan ilaa shan ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaas ka badan.
Dagaalka ayaa salka ku hayo xiisad soo kala dhex-gashay qaar kamid ah ganacsatada deegaanka iyo ciidamada booliska, taas oo soo socotay muddo laba bilood oo xiriir ah, waxaana haatan ay isku rogtay gacan ka hadal iyo dagaa toos ah
Ganacsatada ayaa la sheegay in ka biyo diideen in albaabka booliska loo jeediyo dhanka xarumahooda ganacsi, iyada oo booliskana uu arrintaas ku adkeystay, taas oo keentay inay isku dhacaan maleeshiyaad ku hayb ah ganacstada iyo ciidamada ammaanka.
Sida ay shegeen ganacsatada albaabka ayaa saameyn ku yeelanaya ganacsigooda, maadaama hakaas ay noqon doonto goob ciidan, iyaguna ay ku ganacsadaan.
Caabudwaaq iyo deegaannada u dhow ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay isku dhacyada, waxaana halkaasi ku badan maleeshiyaadka hubeysan oo inta badan weeraro sababa dhimasho iyo dhaawac ka fuliya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.