Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa haatan wajahaya cadaadis la xiriira in uu si shuruud la’aan ah u fasaxo mashaariicda ka xanniban maamulka Puntland.
Mashaariicda horumarineed waxaa saameyn weyn ku yeeshay khilaafka shaqsiga ah ee ka dhexeeya Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, kaas oo labada hoggaamiye u rogeen mid u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.
Cadaadiskan waxaa si weyn gadaal uga riixaya xisbiyada Puntland ee dhawaan ka qayb-galay shirkii gogosha wada-tashiga ee ka qabsoomay Muqdisho. Xubnahan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku baaqay in loolanka siyaasadeed ee dalka uusan wax saameyn ah ku yeelan midnimada iyo amniga Soomaaliya.
Xubnahan ayaa intii ay joogeen magaalada Muqdisho, dowladda federaalka kala hadlay sidii loo sii deyn lahaa mashaariicda Puntland, iyagoo maamulka Garoowe ku boorriyay inuu qayb ka noqdo wada-xaajoodka siyaasadeed ee dalka.
Sidoo kale, waxay dowladda dhexe ugu baaqeen inay si shuruud la’aan ah u fasaxdo mashaariicda horumarineed ee ka xanniban Puntland. Xisbiyadu waxay xoojiyeen muhiimadda ay leedahay in wada-hadal lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee haatan taagan.
Inkasta oo hoggaanka maamulka Puntland uusan ku qanacsanayn in xisbiyadiisu ka qayb-galaan shirarka Muqdisho, haddana waxaa haatan laga dhursugayaa sida uu u wajaho xaaladda taagan.
Arrimahan ayaa imanaya xilli ay dhawaan magaalada Garoowe heshiis ku gaareen madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo u midoobay dagaal ka dhan ah Villa Somalia, kaddib markii ay ka horyimaadeen wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka doorasho ee socda.