26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Maareeye cusub

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Madbacadda Qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu xilkan u magacaabay Wali Guuleed Nuur, kaddib markii ay soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Wakaaladda Madbacadda Qaranka waxay ka mid tahay hay’adaha hoos yimaada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska. Dib u hawl-gelinteeda ayaa la filayaa inay si weyn uga qayb qaadato howlaha daabacaadda ee dowladda iyo adeegyada muhiimka ah ee dalka looga baahan yahay.

Wakaaladdu waxay markii ugu horreysay hawlgashay sanadkii 1971-kii. Tan iyo markaas, waxay door muuqda ka qaadatay dhanka daabacaadda, iyada oo baahi badan ka haqabtiraysay dowladda iyo hay’adaha kale ee dalka ka jiray xilligaas.

Muddo dheer ayay wakaaladdu ahayd tiir muhiim ah oo dowladda u adeega dhinaca daabacaadda, iyadoo damaanad u ahayd helidda dukumentiyada rasmi ah oo tayo leh oo ay isticmaalaan hay’adaha dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa si weyn u saameeyay Wakaaladda Madbacadda Qaranka. Waxay ka mid noqotay hay’adihii burburay xilligii colaadaha.

Magacaabista Maareeye cusub iyo qorshaha dib u hawlgelinta wakaaladda ayaa muujinaya dadaalka dowladda ee ku aaddan dib u soo celinta hay’adaha qaranka ee muhiimka u ahaa dowladnimada iyo adeegyada shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News